HomeXukuumadda Somaliland oo Hanjabaad ku soo Dhawaysay Hoggaanka Cusub ee loo doortay...

Xukuumadda Somaliland oo Hanjabaad ku soo Dhawaysay Hoggaanka Cusub ee loo doortay Maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa hanjabaad ku soo dhawaysay madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya Cabdiweli Cali Gaas, waxaanay uga digtay cawaaqib-xumo ka dhalan-karta farogelin uu ku soo sameeyo xuduudda Somaliland.

Madaxweynaha Cusub ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas, ayaa wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray dhowr jeer soo qaaday inuu gacanta maamulkaas ku soo celin doonto gacan ku haynta gobollo ay doodaan inay kaga maqan yihiin Somaliland, kuwaas oo maamulkaasi hayb ahaan ku sheegtaan.

xirsiHaddaba, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey maamulka cusub ee loo doortay Puntland,  balse waxa uu uga digay inay farogelin ku sameeyo gudaha xuduudda Somaliland la wadaagto Somaliya.

“Meesha la yidhaahdo Puntland waa qidcad ka mid ah Soomaaliya, waxaana maamulkeeda u tartamayey cid Soomaaliya ah, guud ahaanna Somaliyana waxaan u rejaynaynaa badhaadhe iyo barwaaqo, kii ku guulaystana waxaan u rejaynaynaa guul,” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.

“Waxaanu reer Somaliland ahaan ka digaynaa in lagu xad-gudbo taako ka mid ah dhulkayaga.Waxaan Saxaafadda ka maqlayey iyada oo ay rag badani ku ololaynayaan inay Laascaanood iyo dalka Somaliland meelo ka mid ah u soo ololayaan.

Waxaanu leenahay aynu nabad kuwada noolaano, kama xumin inay Somaliya nabdoonaato, kama xumin cid kasta oo ku guulaysata, waanu u hambalyeynaynaa, laakiin taako ka mid ah dhulkayaga hadday ku soo xad-gudbaan wixii ka yimaadda iyagaa qaba, ma oggolin taako ka mid ah dhulkayaga marnaba inay gorgortan gasho cidna kama oggolin,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiir Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu xusay inay Somaliland tahay dal dimuqraaddi ah oo xuduudihiisu sugan yihiin isla markaana beesha caalamku ka war-hayso xasiloonida iyo nabadda ka jirta, “Somaliland waa dal Dimuqraaddi ah, nabdoon, duniduna ay ku ixtiraamto sida uu yahay xuduudihiisuna sugenyihiin oo la yaqaano, cid kasta oo ku soo xad-gudubtana waxaanu dhawaaq dheer iyo mid hoose ugu sheegaynaa inay kala kulmi doonto cawaaqib-xumo wixii ka yimaaddana ay iyaga guudkooda ahaan doonto,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo maanta war-fidiyeennada ugu warramayey madaarka Hargeysa oo wefti uu ka tirsan yahay uga amba-baxeen safar shaqo oo ku tageen dalka Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories