HomeXukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Geerida Madaxweynihii Dalka Iran Oo Shaki Ka...

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Geerida Madaxweynihii Dalka Iran Oo Shaki Ka Dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa Ka hadashay Shilka diyaaradeed ee sababay geerida Madaxweynihii dalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Ebrahim Raisi, waxaanay dhambaal tacsi ah u dirtay dawladda iyo shacbiga dalkaas.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga ah Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa Dowladda iyo shacbiga dalka Iran ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ku geeriyooday shil-diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Woqooyi-Galbeedka dalka Iran.

Wasiir Ciise Keyd oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa twitter-ka, wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo shacbiga iyo xukuumadda Iiraan oo uu xusay inay la wadaagayaan murugada geerida lama-filaanka ee ku timi madaxweyne Ebrahim Raisi.

Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Iran oo ku safrayey saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah ayaa ka soo laabtay Gobolka East Azerbaijan ee Woqooyi-Bariga Iran, halkaas oo madaxweynuhu kaga qayb-galay xadhig-ka-jarka biyo-xidheen laga hirgeliyey meel u dhow xuduudka u dhexeeya Iran iyo Azerbaijan halkaas oo ay dhiggiisa dalka Azerbaijan wada-jir xadhigga uga jareen biyo-xidheenka oo labada dowladood iska kaashadeen.

Diyaaraddii uu la socday madaxweynaha Iran ayaa mar kaliya la waayey, halka labadii diyaaradood ee kale si nabadgelyo ah u yimaaddeen caasimadda Tehran, waxaana ilaa xalay lagu gudo-jiray baadi-doonka burburka diyaaradda madaxweynaha, waxaana ka qayb-qaatay gurmad kala duwan oo ay direen dalalka Turkey iyo Russia.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa la xaqiijiyey inay shilka diyaaradeed ku dhinteen Madaxweyne Ibraahim Raisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale oo la socday.

Waxa jira tuhunno la isla dhexmarayo oo ka dhashay geerida madaxweynaha Iran, waxaana shacabka dalkaas qaarkood aaminsan yihiin inay shilkan ku leeyihiin waddamo reer Galbeed ah ama Sirdoonka dalka Israel. Halka shacabka Iran iyo warbaahinta reer Galbeedku ku sheegeen shilqool laga abaabulay gudaha Iran isla markaana uu ku lug leeyahay Wiil uu dhalay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas Ayyatullaahi Khumeini.

Haseyeeshee, waxa isla maanta la bilaabay baadhitaanno caalami ah oo ay ka qaadanayaan waddamada Ruushka iyo Turkiga, kuwaas oo lagu xaqiijinayo sababaha keenay shilka ku yimi diyaaradda madaxweynaha Iiraan

Madaxweyne Ibraahim Raisi oo 63 jir ah, ayaa loo doortay madaxweyne isku daygiisii labaad sanadkii 2021-ka. Waxaa loo arkayay wadaad mayal adag oo beddeli kara booska Ayatollah Khamenei oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran.

Sannadkii 2019-ka ayuu Hoggaamiyaha Sare ee dalkaasi marxuumka u magacaabay jagada ugu awoodda badan ee dhinaca garsoorka. Marxuum Raiisi ayaa sidoo kale noqday guddoomiye ku xigeenka Golaha Khubarada dalkaas oo ka kooban 88 xubnood oo u xilsaaran doorashada hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran.

Warbaahinta Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories