HomeXukuumadda Somaliland oo Guddi baadhitaan u xil-saartay Dilalka Qorsheysan ee Laascaanood

Xukuumadda Somaliland oo Guddi baadhitaan u xil-saartay Dilalka Qorsheysan ee Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa guddi heer wasiir ah u xil-saartay Xaaladda ammaanka iyo dilal qorsheysan oo ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado masuuliyiinta hay’adaha Dowladda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee ammaanka dalka, gaar ahaan dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey magaalada Laascaanood.

blankWar-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada waxa lagu yidhi:- “Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Waxaana ugu horrayn Golaha Wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga, nabadgelyada guud ee dalka. Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka Sool, isla markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo.”

Labadii bilood ee u dambeeyey waxa magaalada Laascaanood ka dhacay Dilal lagu bartilmaameedsaday Guddoomiyihi guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Sool Allah ha u naxariistee Cabdilaahi Laba Go’le oo koox dabley ahi ku dishay gudaha Laascaanood 1-dii bishii August ee sannadkan iyo Marxuum Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, kaas oo dabley hubaysani toddobaadkan ku dileen gudaha magaaladaas.

Dhinaca kale, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Golaha Wasiirrada Somaliland ka doodeen muhiimadda ay saxaafaddu ugu fadhido Qaranka iyo ka-hortagga faafinta wararka ku-tiri-kuteenka ah.

“Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegay wixii lidi ku ah diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xoriyada saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, cidii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories