HomeXukuumadda Somaliland oo Go'aan ka soo saartay Farriimaha Shirkadaha Isgaadhsiintu u gudbiyaan...

Xukuumadda Somaliland oo Go’aan ka soo saartay Farriimaha Shirkadaha Isgaadhsiintu u gudbiyaan Macaamiisha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada ee Somaliland ayaa wareegto ka soo saartay Fariimaha Xayaysiiska iyo Ogeysiisyada ah ee shirkadaha isgaadhsiintu ay bulashada adeegyadooda isticmaasha ugu gudbiyaan.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil, ayaa lagu amrtay shirkadaha inaanay bulshada u gudbin karin farriimo xayaysiis ama Ogeysiin ah, shirkaddii amarkan u hoggaansami weydana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Suufi Jibriil

Wareegtada oo dhaqan-galkeedu ka bilaabmayo bilowga Sannadka Cusub, waxa lagu sheegay in shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin inay bulshada gaadhsiiyaan farriimo ku saabsan adeegyada ay bixiyaan, balse aanay xaq u lahayn inay farriimaha xayaysiisyada iyo ogeysiiyada shirkadaha kale gaadhsiiyaan macmiil aanay oggolaanshiyo ka haysan.

Waxa ay wareegtadani ugu baaqday shirkadaha isgaadhsiinta inay sameeyaan ama hirgeliyaan adeeg-farsamo oo macmiilka u sahlaya inay iska xidhi karaan farrimaha aanay oggolayn inay soo gaadhaa.

Wareegtada kasoo baxday wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, ayaa u qornayd sidan:- “Wareegto Wasiir oo nidaaminaysa fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, oo hirgeli doonta kowda bisha January 1/1/2022 kana kooban qodobadan soo soda.

  1. In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iagu bixinayaan oo kali ah.
  2. In fariimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkadaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.
  3. In fariin kasta oo uu macmiilku helayo isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, joojin karo.
  4. In laga qaado shirkadda jabisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.” Sidaas ayaa lagu yidhi wareegtada uu soo saaray Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories