HomeXukuumadda Somaliland Oo Go'aamo Ka Soo saaray Ciidamada Huwanta ah ee Ku...

Xukuumadda Somaliland Oo Go’aamo Ka Soo saaray Ciidamada Huwanta ah ee Ku Sugan Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa qodobbo dhowr ah ka soo saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xiisadda dagaal ka jirta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo ay shir-guddoomiyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenka JSL, ayaa lagaga hadlay ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood oo loogu baaqay inay gebi ahaanba isaga baxaan Somaliland maadaama ay ka yimaaddeen deegaanno ka mid ah dalalka deriska.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey nuxurka qodobbada shirka ka soo baxay, ayaa u dhignaa sidan:- “Fadhigii 108aad ee Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobo dhawra, sidoo kalena warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida golaha wasiirrada.
Qodobada Shirka Golaha Ka Soo Baxay Waxay U Dhignaayeen Sidan:-

1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga markhaati kaceen Beesha Caalamku in aan Xeebaha Somaliland marnaba ka dhicin wax Falal budhcad badeed ahi.

2) In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia:-

3) Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.

4) Goluhu waxa uu ku boorinayaa in Shacabka Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ahi in ay sii xoojiyaan taakulada binu-aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo Xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

5) Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland sida Xilkasnimada leh ee ay u dhawreen, una fuliyeen go’aankii xukuumadda ee ahaa inay ku sugnaadaan fadhiisimadooda.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories