HomeXukuumadda Somaliland Oo Ganacsatada Taiwan U Bandhigtay Fursado Maalgeshi Oo Muhiim ah

Xukuumadda Somaliland Oo Ganacsatada Taiwan U Bandhigtay Fursado Maalgeshi Oo Muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Magaalada Taipei ee Caasimadda dalka Taiwan waxa maanta ku qabsoomay kulan ballaadhan oo dhexmaray Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Ururka TABA oo ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Taiwan iyo Kuwa qaaradda Afrika.

Weftiga Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalkaas, waxa uu la wadaagay madaxda TABA wadaagayaasha kala duwan ee mudnaanta u leh Somaliland si maalgeshi loogu sameeyo kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinacyada Kalluunka, Xoolaha, Macdanta, Xabkaha iyo Faleenka, Tamarta Qorraxda iyo Dalxiiska.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ganacsiga ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in sidoo kale Weftiga Somaliland la wadaagay Ganacsatada reer Taiwan horumarka laga sameeyey dekedda Berbera, Gegida diyaaradaha Berbera, iyo marrinka dhaqaalaha ee Berbera oo diyaar u ah inuu isku xidho Afrika iyo dalka Taiwan.

Warku wuxuu intaas ku daray inay TABA dhankooda sheegeen inay kor-dhinayaan isla markaana kor u qaadayaan maalgeshiga ay shirkadaha dalka Taiwan ka wadaan Somaliland.

Shirkadaha dalka Taiwan ee xilligan maalgeshiga ka wada Somaliland waxa ka mid ah CPC Corporation, Central Sky International Trading Company, and Motor Cycle (Tricycle Co).

UrurkaTaiwanese-African Business Association (TABA), ayaa loo aasaasay isku xidhka iyo Dhiirrigelinta ganacsatada Taiwan iyo Afrika, waxaanu ururku shirkadaha iyo ganacsatada dalkaas la wadaagaa xogo ku saabsan maalgeshiga kheyraadka dihin ee qaaradda Afrika.

Weftiga Somaliland ee ku sugan dalka Taiwan ee goob-joogga ka ahaa Kulanka, ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, waxaana kulanka ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Dr Maxamed Xaaji Maxamuud.

blank
Kulanka Weftiga Somaliland iyo Madaxda Ururka TABA oo Ganacsatada Taiwan iyo Afrika

Socdaalka Weftiga Wasiirka Ganacsiga ee dalka Taiwan ayaa noqonaya weftigii labaad ee heer wasiir ah ee socdaal ku taga dalkaas tan iyo markii ay labada waddan bilaabeen xidhiidhkooda dublomaasiyeed dabayaaqada sannadkii 2020-kii xilligaas oo labada caasimadood ee Taipei iyo Hargeysa laga furmay Xafiisyo-dublomaasiyeed oo masuul ka noqda xidhiidhka labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa horaantii sannadkii 2022-kii socdaal meeqaamkiisu sarreeya ku tagay dalka Taiwan, waxaanu kulamo la qaatay madaxweynaha Taiwan, madaxda dowladda iyo Ganacsatada dalkaas oo uu u bandhigay Kheyraadka dihin ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories