HomeXukuumadda Somaliland oo Ganacsatada ku tilmaantay Dadka ugu badan Boobka Dhulka Danta...

Xukuumadda Somaliland oo Ganacsatada ku tilmaantay Dadka ugu badan Boobka Dhulka Danta Guud

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee boobta dhulka danta guud ay yihiin ganacsatada, isaga oo ugu digay in ay faraha kala baxaan boobka dhulka danta guud ah, haddii kale laga qaadi doonto talaabo adag.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ayaa hadalkan ka sheegay kormeer isaga iyo ku xigeenkiisu ku tageen qaar ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa halkaas oo uu kulmo kala duwan kula qaatay masuuliyiinta degmooyinkaasi.

blankUjeeddada kormeerkan ayaa ahayd sidii maamulka gobolka iyo masuuliyiinta degmooyinku si wada jira uga shaqeyn lahaayeen ilaalinta dhulka danta guud ah.

Guddoomiye Jaamac, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee dhulka danta guud boobta ay yihiin ganacsatada, waxaanu sheegay haddii ay ka waantoobi waayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan. “Dadka ugu badan ee waddooyinka cidhiidhyaya isla markaana doonaya in ay jidadka xidhaan waa ganacsato, waxaa aanu leenahay gacan adag ayaanu ku qabanaynaa, waxaa weeyi hadhaw in aad baryootanto oo aad tidhaaho dhisma la iga dumiyay oo hanta ayaa iga gashay wax aanu aqbalayno maaha ee cagaf ayaanu galinaynaa qofkii wadada ku soo xadgudba, waxaa aanu og nahay meelo la seesay, waxaa aanu joojinay meelo dhismayaal ka socdaan, waxaanu soo baabi’inay meelo sarfayn laga saaray, guud ahaana qorshayntii dhulka waala joojiyay, amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu joojiyay”

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamax Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ku amray guddoomiyayaasha degmooyinka ilaalinta dhulka danta guud, maaddama lagu jiro wakhti kala guur ah“Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano, abniga, gaar ahaan degmaddan aad masuulka ka tihiin.

Doorashooyinbaynu galaynaa dadkeenuna caddaw badan ayuu leeyahay, aad iyo aad in aynu u feejignaano oo aynu libin laabno ilaalinta nabadgelyadda.

Danta guud waa wax Qaranku wada leeyahay, wax dawladda oo qudhihi leedahay maaha ee waa wax bulshada Somaliland oo dhami wada leedahay, waxaa jirta in xilliyadan danta guud ah la isku dayo in meelaha danta guud ah la boobo, annagu waxaa aanu diyaar u nahay in aanu kormeerno oo ilaalino, oo degmooyinka kormeerno, oo cidii isku dayda in ay ku xadgudubto danta guudna aanu sharciga horgayno, idinkana waxaa aanu doonayna in shaqadii aad hayseen aad libin laabtaan, kana wada shaqayno sidii aynu danta guud u wada ilaalin lahayn.”

“Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in ay socoto hawshii kormeerka wakhti xasaasi ahna lagu jiro, dhulka danta guud ah iyo waddooyinka cidkasta oo ku dhaqaaqaysa arrimaha noocaas ah waxaa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.

Annaga oo fulinayna amarka madaxweynaha oo guddoomiyihii iyo ku xigeekiisi wakiil nooga yihiin waanu fulinayna ilaalinta dhulka danta guud”Ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories