HomeXukuumadda Somaliland oo Fasaxday Dhismaha Taawarrada Isgaadhsiinta iyo Sababaha loo aanaynayo

Xukuumadda Somaliland oo Fasaxday Dhismaha Taawarrada Isgaadhsiinta iyo Sababaha loo aanaynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa maanta fasaxday dhismaha Taawarrada ee shirkadda Isgaadhsiinta oo wasaaraddu hore u joojisay.

Taawarradda ay adeegsadaan shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka oo ka dhex-dhisan gudaha magaalooyinka dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee ay ka dhex-taagan yihiin, ayaa dhibaatooyin caafimaad ku haya bulshada oo inta badan cabasho xooggan ka muujiya, sida ay ka digeen khubarada caafimaadka iyo kuwa bartay cilmiga isgaadhsiinta ee dalka.

blankWasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku buriyey go’aan uu dabayaaqada sannadkii hore ku hakiyey dhismaha taawarrada ay isticmaalaan shirkadaha isgaadhsiinta, waxaanu wareegtada ku sheegay in taariikhda maanta laga bilaabo wasaaraddiisu fasaxday dhismaha Taawarrada Isgaadhsiinta.

Lama oga sababta wasaaraddu xilligan ku fasaxday dhismaha Taawarrada, haseyeeshee Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa go’aan uu soo saaray bishii March 2019, waxa uu uga digay shirkadaha isgaadhsiinta inay Taawarro cusub ka hirgeliyaan gudaha magaalooyinka, isagoo sheegay inay xukuumad ahaan garowsan yihiin saamaynta ay leeyihiin tirada Taawarrada Isgaadhsiinta ee gudaha magaalooyinka oo uu xusay in ay ka badan yihiin intii loogu talo-galay.

Wasiirku waxa uu xilligaas sheegay inay xukuumad ahaan diyaariyeen qalabka lagu qiyaaso xaddiga shucaaca ay sii daayaan Taawarrada isgaadhsiinta oo uu xusay inay ka badan yihiin tiradii loogu talo-galay oo uu tusaale ugu soo qaatay magaalada Hargeysa.

Haddaba, Wareegtada uu Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net, waxa uu shirkadaha ku war-geliyey inay u hoggaansamaan shuruudaha iyo habraaca Xeer-Nidaamiyaha Dhismaha taawarrada Isgaadhsiinta oo ku xusan xeerka isgaadhsiinta dalka ee Xeer Lr. 03/2020.

“Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu iyadoo hirgelinaysa isla markaana fulinaysa shuruucda u yaala dhismaha goobaha isgaadhsiinta, taasoo hore loogu hakiyay warqadda ay summadeedu tahay Tix: WIT/XW-O1/126/2020 kuna taariikhaysan 09/12/2020 ujeedadeeduna ahayd Hakinta Dhismaha Taawarada Cusub ee shirkadaha isgaadhsiinta iyo ganacsatada dalka.

Haddaba, waxa ay Wasaaraddu ogolaatay Dhismaha Taawarada laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13/04/2021. Sidoo kale, waxa Ia farayaa shirkadaha isgaadhsiinta in ay raacaan shuruudaha iyo habraaca Xeer-Nidaamiyaha Dhismaha taawarrada Isgaadhsiinta Xeer Nidaamiye Lr.03/2020.” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay wareegtada oo uu maanta soo saaray.

Taawarrada Isgaadhsiinta oo intooda badan ka dhex samaysan gudaha xaafadaha magaalooyinka, ayaa marka laga yimaaddo saamaynta caafimaad ee ay bulshada ku leeyihiin, waxa haddana jira khatar dhinaca bad-qabka nolosha dadka iyo bilicda magaalooyinka xilliyada ay jiraan roobabka waaweyn ee dabaylaha wata.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories