HomeXukuumadda Somaliland oo Farriin Hanjabaad iyo Digniin Xambaarsan u dirtay Dawladda Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland oo Farriin Hanjabaad iyo Digniin Xambaarsan u dirtay Dawladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqday inay faraha kala baxdo fad-qalallada iyo falalka amni-darrada abuuraya ee ay ka waddo gudaha Somaliland.

warancaddeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay Dawladda Soomaaliya fad-qalalo iyo faro-gelin dhinaca ammaanka ah ka waddo gudaha Somaliland.

In kasta oo Wasiirku aanu Caddeyn faro-gelinta ammaan ee Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland, waxa uu hadalka wasiirku u muuqda mid jawaab-celin digniin xambaarsan ah uu ugu dirayo Xildhibaanno ka tirsan Dawladda Soomaaliya oo maanta booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle,  kuwaas lagu wado inay ka qayb-galaan shir Kooxda Khaatumo ku qabsanayso magaalada Taleex.

Xildhibaannada Soomaaliya iyo xubno kale, ayaa magaalada Buuhoodle ku yimi diyaarad ay ka soo raaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Cali waran-cadde oo Maanta ka hadlayay Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa ku hanjabay inay dhiig iyo dheecaanba u hurayaan dhismaha dawladnimo ee Somaliland iyo xuduudaheeda.

“Waxaan Halkan Digniin uga dirayaa Cadawga Somaliland ee ka naxay Aqoonsiga Caalamku u qiray Somaliland, waxaanu aad uga xunahay dawlada yar ee ka dhisan Muqdisho, in ay aad uga naxeen  Aqoonsiga Caalamku siinayo Somaliland,” ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

Waran-cadde ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa yidhi, “Waxaanu u aragnaa inay Somaliland gudaheeda ka waddaan fadqalalo iyo kharbudaad, waxaanu nahay ummad aan loo dhuuman Karin, waxaanu si weyn isha ugu haynaa oo aanu u eegeynaa dhaqdhaqaaqa dawladda Soomaaliya ay ka waddo gudaha Somaliland, waxaanu leenahay ha ku gubanina, waxaanu shacab iyo dawladba diyaar u nahay in aanu dalkayaga ku difaaci doono dhiigayaga, waxaanu diyaar u nahay in aanu kashifno ama dibada u soo saarno khiddad kasta qarsoon oo wax lagu yeelayo midnimada iyo wadajirka Somaliland, ummada Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay wadajirkooda ilaashadaan,”ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories