HomeXukuumadda Somaliland oo Digniin ka soo saartay Dhawaaqyo Ka Soo yeedhay Xisbiyada...

Xukuumadda Somaliland oo Digniin ka soo saartay Dhawaaqyo Ka Soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanba mabnuucday isu-soo-baxyo ay Xisbiyada Mucaaradka iyo taageerayaashoodu si gaar ah ugu dabbaal-degayaan xuska 31-guurada maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.

blankXisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay si ka duwan qaban-qaabada xukuumadda u xusayaan dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka ee ku saabsan xuska dabbaal-degga 18-ka May, ayaa noqonaysa markii u horeysay Somaliland ee xisbiyo mucaarad ahi ku baaqaan inay si gaar ah ugu dabbaal-degayaan Xuska maalinta Qaranimada 18 May oo ah mid ay weynaynteeda ka midaysan yihiin Shacabka Somaliland.

Wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska 18 May, Md Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu ku sheegay inay guddi ahaan diyaariyeen fagaareyaal loogu talo-galay dabbaal-degga xuska 18 May, kuwas oo uu sheegay in lagu marti-qaaday xisbiyada qaranka.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu meesha ka saaray inaanay jiri doonin munaasibado iyo fagaareyaal kale oo cid gaar ahi u qaban-qaabiso xuska 18 May, waxaanu hay’adaha ammaanka iyo kuwa fulinta sharciga dalka ku amray inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo ka hor timaadda awaamiirta Guddiga heer Qaran ee Qaban-qaabada xuska 18-a May.

Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa u qornayd sidan:-

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u diyaar garoobayaan dabaal-degga xuska sannad-guurada 31aad ee maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2022 iyaga u heegan ugu jira maamuuska iyo waynaynta maalinta Ia soo noqoshada xoriyadda qaranka.

blankGuddidu iyada oo cuskanaysa qodobka 37aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkaasi oo qeexaya qaab-dhismeedka qaranka, awoodda iyo karaamada qaranka, Cuskanaysana wareegtada Madaxwaynaha JSL uu ku magaacabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabada xuska 18 May, waxa ay diyaarisay fagaareyaaI lagu qabanayo xuska 18 May oo loogu talo-galay in dhammaan bulsho-weynta reer Somaliland kaga soo qayb gasho, laguna martiqaaday xisbiyada qaranka ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Haddaba. si too adkeeyo wada-jirka, midnimada, nabad-galyada iyo degganaanshaha qaranka, waxa reebban qaban-qaabo kasta, noocay doonto ha ahaatee, oo aan ahayn qaban-qaabada ay Guddida Heer Qaran agaasintay.

Sidoo kale, waxa la farayaa hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga ee qaranka in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cidkasta oo ka hor timaadda awaamiirta Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabada xuska 18 May.” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska 18 May, Md Maxamed Kaahin Axmed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories