HomeXukuumadda Somaliland oo dib u furtay Seeraha Banka Aroori oo in muddo...

Xukuumadda Somaliland oo dib u furtay Seeraha Banka Aroori oo in muddo ah Xidhnaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco ayaa maanta shaaciyey in Seeraha Banka Aroori oo hore u xidhnaa loo fasaxay xoolaha in ay daaqaan Banka.

Masuuliyiinta heer gobolka ee hay’adaha dowladda u jooga gobolka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa si wada-jir ah uga hadlay go’aanka ay xukuumaddu ku fasaxday banka aroori oo ka mid ah dhul-daaqsimeedyada dabiiciga ah ee dalka.

blankMunaasibad loo qabtay furitaanka Banka waxa ugu horeyn ka hadlay Isuduwaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Cabdi Muuse Jaamac (Hindi), waxaanu sheegay in wakhtigan baahi weyn loo qabay in la furo Banka Aroori si xoolaha ku dhaqan duleedka magaalada Burco u daaqaan calafka ku yaala Bankaas, isaga oo intaas ku daray in markii la xidhayey Bankaas looga dan lahaa in xiliyada adag lagu badbaadiyo xoolaha.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Geelleyda magaalada Burco oo soo dhaweeyey furitaanka Bankaas oo ay tilmaameen in Seerahaasi qiimo weyn ugu fadhiyo xoolo dhaqatada gobolka Togdheer iyo guud ahaan qarankaba, waxayna u mahadceliyeen mas’uuliyiinta wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaraddaasi Siciid Sulub Maxamed.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax, duqa degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xeyd, oo sheegay in markii la xidhayey Seearaha Banka Aroori ay dad badani ka soo horjeedeen, balse maanta ay taagan tahay baahidii la doonayey inuu daboolo, waxayna bulshada Seerahaas daajinaysa xoolahooda u soo jeediyeen in ay ilaaliyaan nabadgalyada oo ay ka faa’iideystaan cawskaas ay xukuumaddu u kaydisay si ay ugu badbaadaan xoolaha deegaankaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories