HomeXukuumadda Somaliland Oo Dhibaatada Laascaanood Ku Eedaysay Kooxo Argaggixiso Ah

Xukuumadda Somaliland Oo Dhibaatada Laascaanood Ku Eedaysay Kooxo Argaggixiso Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Beesha Caalamka u dirtay Warqad ay ugu faahfaahinayso Dhacdooyinka Magaalada Laascaanood iyo Cidda leh Masuuliyadda Dilalka halkaa loogu geysto Hal-doorka Bulshada Sool iyo Masuuliyiinta Dawladda.

Warqad uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa lagu sheegay in xallinta rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood ay awgeed Xukuumaddu qaadday Tallaabooyin muhiim ah, sida inay siidaysay Maxaabiis loo qabtay Rabshadihii Laascaanokd, Wada-hadallo ay la yeelatay Madax-dhaqameedka Gobolka iyo labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilladu Magacaabeen Guddiyo ka qayb-qaata xallinta tabashooyinka jira.

Sidoo kale, Warqadda ayaa lagu sheegay in Cidda ka dambaysa isla-markaana geysata dilalka Shirqoolka ah ee Laascaanood ka dhacaa aybyihiin kooxo Argaggixiso ah, kuwaasi oo doonaya inay galaangal ku yeeshaan Bulshada, dilalkaasina soo taxnaayeen illaa sannadkii 2009.

Wasaaradda Arrimaha dibeddu waxay sheegtay in illaa xilligaa Laascaanood lagu dilay 40 Qof oo iskugu jira Madaxda dawladda ee Gobolka iyo Mudan kale oo Bulshada ka mid ah, kuwaasi oo 24 ka mid ahi ahaayeen Madaxda Dawladda ee Gobolka Sool.

Warqaddan Xukuumadda Somaliland u dirtay Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Laamaha amniga ee Dawladdu ay dilalkaasi u qabteen illaa 32 Qof oo lagu sheegay Argaggixiso Masuul ka ahaa dilalka isla-markaana la xukumay.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in Dhacdooyinka Laascaanood ka dhacay Toddobaadyadii tagay aanay ahayn kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah, balse kicinta Dadweynuhu ay ka mid tahay Xirfadaha ay kooxaha gudaha ee Mayalka adag isla-markaana doonaya inay Gobolka Ku fidaan ay adeegsadaan, si ay lumiyaan xogtooda, iyagoo abuuraya Borobagaando, si shaqaaqooyin u dhacaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, wuxuu ku sheegay Warqadda uu beesha Caalamka u diray ku sheegay In Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in la soo afjaro dhibaatada Laascaanood ka taagan isla-markaana uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u Magacaabay Guddi Wasiirro ah oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories