HomeXukuumadda Somaliland oo Dhawaaqyada Soomaaliya ku tilmaantay mid Bulshada Caalamka lagu marin-habaabinayo

Xukuumadda Somaliland oo Dhawaaqyada Soomaaliya ku tilmaantay mid Bulshada Caalamka lagu marin-habaabinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku cambaaraysay Xafiiska diblumaasiyadeed ee Taiwan ka furatay Somaliland.

War-saxaafadeed Shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doonayso inay marin habaabiso Bulshada Caalamka, sidaasi darteed Jamhuuriyadda Somaliland layaaban tahay Hab-dhaqannada Dawladda Soomaaliya.

blank
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland way aragtaa Fal-celinta Soomaaliya ee Xafiiska Taiwan ka furatay Somaliland mid layaab leh oo marin habaabinaya Ummadaha Adduunka.” Ayaa lagu sheegay War-saxaafadedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo intaa ku daray in xidhiidhka Cusub ee Taiwan uu ka mid yahay xidhiidhadii Somaliland ay Dalalka kale ee dunida la lahayd “Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore u lahayd Xidhiidho diblumaasiyadeed iyo xidhiidho wax ku ool ah oo ay la lahayd Waddamada Afrika, Yurub iyo Aasiya. Xidhiidhka cusub ee Taiwan wuxuu ka mid yahay Iskaashiga Muddada dheer  ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka.”

Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay “Jamhuuriyadda Somaliland waxay doonaysaa inay ku celiso in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu ku salaysan yahay qiyamka aanu wadaagno ee xorriyadda, Nabadda iyo Dimuqraadiyadda” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka, kaasi oo intaa sii raaciyey “Dawladda Somaliland waxay uga digaysaa Maamulka Soomaaliya inuu ka waantoobo hadallada aan Caqli-galka ahayn iyo qoraallada aan summadda lahayn ee lagu marin habaabinayo Adduunka.”

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay sheegtay “Somaliland waa dal Madax-banaan oo Masuul ah, kaasi oo tixgeliya Arrimaha dalalka kale..”ayaa lagu War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliladpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories