HomeXukuumadda Somaliland oo DHALINYARADA uga digtay inay ka Qayb-qaataan Bannaan-baxyada Xisbiyada Mucaaradku...

Xukuumadda Somaliland oo DHALINYARADA uga digtay inay ka Qayb-qaataan Bannaan-baxyada Xisbiyada Mucaaradku Berri u ballansan yihin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dhalinyarada ku dhaqan caasimadda Hargeysa uga digtay inay ka qayb-qaataan mudaharaadka ay Asxaabta Mucaaradku maalinta Berri u ballansan yihiin inay isugu baxaan shaaracyada Hargeysa, kaas oo ay kaga soo horjeedaan Cabbudhin iyo cadaadis xukuumaddu ku hayso xisbiyada iyo Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaraha Iyo Dhaqanka Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal Oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan dhalinyarada  ka wacyi galin doonaan mudaharadada iyo waxyaabaha aadka u foosha xun ee ay xubno reer Somaliland ahi ku dhawaqeen isaga oo dhalinyarada ugu baaqay inaanay ku dhex-milmin siyaasadda isla markaana ay ka waan-toobaan inay u hanqal taagaan baaqyada mucaaradka.

Cali Siciid RaygalWasiirka oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi,  “Somaliland waxay maraysa marxalad horumar, waxaa lagu jiraa waxbarasho wakhti fiican, marxaladii shaqo doonka, waxaa lagu jiraa marxaladii qof walba uu iskii u noolaan lahaa ee uu isku maamuli lahaa. Waxaa lagu jiraa wakhtigii guud ahaan waxbarashada caafimaadka iyo adeegyada bulshada meel fiican la gaadhsiin lahaa looma baahna cid fara faraysa nabadgalyada iyo Somaliland. Dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay maanta waxaynu ku fadhinaa nabdgalyo iyo wanaag, waxwalibana waxay sharaf-ku leeyihiin wanaagga iyo nabad galyada lagu fadhiyo. Dhalinyarada Somaliland waxaan uga digayaa meel kasta oo ay joogan inaan laga fa’iidaysan oo aanay ka fa’iidaysan dadka maangaabka ah ama dad dano gaara ah leh oo doonaya in wax aanay garanayn ku shaqaystaan,  waxaanan ugu baqayaa inay ka digtonadaan waxaas dhacaya. “

Mudane Cali Siciid Raygal oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi raaciyay, “Dhalinyarada waxaan kala dardaarmayaa dawladkasta iyo meelkasta Somaliland markay wax uga kordhaan ee cilmiga iyo aqoonsiga wax uga kordhaan, cadawgeedu wuu sii badanayaa meelkasta waa lagaga iman karaa siyaabo kala duwan oo qofku uu iskaga dhigayo muwaadin ayaa lagaga soo gali karaa. Dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay ha ka digtoonadaan, waa in ay ogadaan distoorka dalka iyo xeerarka dalku waxa ay qeexayaan.  Qodobka kaliya ee ugu fududna waxaa weeyaan cid kasta oo doonaysa inay wax ku dhaqaaqdaa waxaa weeyi in ay shuruucda dalka ilaaliso, dhalinyaradana waxaa weeyaan in ay fahmaan dastuurka iyo sharciga dalku waxaa uu dhigayo. Xeer-ka axsaabta iyo ka sharuucda iyo ka dalka u yaala waa in ay cidkastaa marto waxii aan waxaas ahayn ee qarda jeex ah looma baahna,” ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu yidhi, “Waxan idiin sheegayaa lagumo jiro xili doorasho xili kaambayn, qofkastaana isaga oo xora ayaa markay timaado uu xisbiga u doonayo u ololaynayaa oo xisbiga uu doono ayaa uu codka siinaya, laakin maanta ma taagna  wakhti tartan iyo wakhti doorasho toona, waa in ciddii doorasho u baahan ama doonaysa cid inay cod siiso xiligeeda  ay sugtaa.”

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID  iyo WADDANI, ayaa ku dhawaaqay inay mudaharaad salmi ah ka dhigayaan caasimadda Hargeysa, iyaga oo taageerayaashooda gobolka Maroodijeex ugu baaqay inay kala soo qayb-galaan bannaan-baxaas oo ay u muddeeyeen 10-ka bisha Decmeber oo ku beegan maalinta Berri ah.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories