HomeXukuumadda Somaliland oo Dalka Ka Saaraysa Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Haya Shaqooyinka...

Xukuumadda Somaliland oo Dalka Ka Saaraysa Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Haya Shaqooyinka ay Muwaadiniintu Qaban karaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hawlan qorshe lagu xakamaynayo shaqaalaha ajaanibka ah ee hay’adaha sama-falka iyo shirkadaha dalka kaga shaqaysta Xirfadaha ay qaban karaan Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Muwaadiniinta ah ee shaqo la’aantu hayso.

Kulan maanta dhex-maray Masuuliyiin ka socday Shan Wasaaradood iyo Laanta Socdaalka Somaliland  oo jawaab u ah Amar Madaxweynaha Somaliland ku bixiyey shirka Golaha Wasiirrada in xal kama dambays ah loo helo caqabadda shaqo la’aanta oo dalka ku baahday, ayaa lagu gorfeeyey isla markaana layskula qaatay in muddo laba todobaad gudahood ah lagu soo saaro Qorshe lagu waajaho sidii meesha looga saari lahaa in qof Ajaanib ahi qabto shaqo aqoonteeda iyo Xirfaddeeda la heli karo Qof muwaadin ah oo ku shaqayn kara.

shaqo abuurkaShirka oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana uu shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaraddaas Dr Cabdi Aw-Daahir, waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiir ku-xigeennada Wasaaraha Qorsheynta iyo Arrimaha Bulshada, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Saraakiil kale oo wehelinaysay, waxaana kulanka laga soo saaray Guddi si gaar ah u soo qiimaysa isla markaana u soo dejisa Qorshaha arrintan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Dr Cabdi Aw-Daahir oo kulankaas kaddib warbaahinta u sharraxayey ujeeddada shirka, waxa uu yidhi, “Shirkan aanu halkan isugu nimi oo ay hoggaaminayso wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadu, ujeeddada ugu weyni waxa weeyi Arrimaha Shaqo-abuurka oo dalka iyo dadkaba aad ugu muhiim ah,  gaar ahaan arrimaha saameeya in shaqadii dalka laga yaabo inay dad ajaanib ahi si sharci-darro ah u hayaan, dadkeeniina ay shaqo la’aani jirto. Iyada oo qodobkanina uu yahay arrin Golaha Wasiirrada laysku faray in guddigaasi isku timaaddo ay arrimahaas taxliil ka soo saarto, si gaar ahna waanu isku waraysannay, waxaanan u mahad-naqayaa laanta socdaalka oo warbixin aad u muhiim ah naga siiyey dadka Ajanabiga ah iyagoon sharci haysan haddana waddanka ka qabanaya shaqo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu soo dhawaynaynaa dadka ajaanibka ah ee dalka maal-gashanaya waana loo baahan yahay, waa dal xor ah oo dad u baahan oo haddaanan dibadda lagaaga iman Iskuma filnaan kartid,  haseyeeshee waxa kale oo muhiim ah in dadkaa soo galayaa ay yihiin dad fasax haysta xagga amniga, xagga shaqo-abuurka oo uu haysto fasax uu dalka ku joogo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dr Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay in natiijada kulankoodaas ay ka soo baxday hawl-gelin Guddi loo xil-saaray inay soo dejiyaan isla markaana soo qiimeeyaan Qorshaha kobcinta Shaqo-abuurka dalka, waxaanu yidhi, “Waxa laysla qaatay talooyin fara-badan oo qorshe laga soo saari doono sidii loo xaqiijin lahaa loona diiwaangelin lahaa dadka Ajnebiga ah ee dalka ka shaqeeya meel kasta oo ay joogaan ha u shaqeeyaan shirkadaha ama hay’adaha kale ee Ajnebiga ah, annagoo soo dhawaynayna wixii dalka wax u taraya ee aqoon innagu kordhinaya, isla markaana aanu xaqiijinayno in shaqo uu inoo qaban karo qof muwaaddin aanay u suurto-galin in qof Ajaanib ahi qabto.”

Wasiirka Cabdi Aw-Daahir, waxa uu sheegay inay guddigoodu kulan kale isugu iman doonaan laba todobaad kaddib, “Guddi baanu ugu samaynay halkan oo hawshaa isku soo dubba-ridda oo qaab u samaysa, dhinac kasta wax ka eegta oo go’aan iyo talo noo keenta, laba todobaad kaddibna aanu halkan (Wasaaradda Shaqada) isugu nimaadno,” ayuu yidhi Dr Cabdi Aw-Daahir.

Tallaabadan ayaa noqonaysa markii u horeysya oo Xukuumaddu si rasmi ah u shaaciso qorshe lagu xakamaynayo shaqaalaha Ajaanibka ah ee dalka ku sugan isla markaana kor loogu qaado heerka shaqo-abuurka ee dalka. Haseyeeshee lama oga in xukuumaddu si rasmi ah u fulin doonta isla markaana ay kaga dhabayn doonto qorshahan.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa badhtamaha sannadkii 2013-kii magacaabay Guddi ka kooban Todoba Wasiir oo lagu magacaabay Guddiga Ka-hortagga Tahriibta iyo Shaqo abuurka, kuwaas oo aan wax natiijo ah ka soo saarin tiroba dhowr jeer oo ay kulmo isugu yimaaddeen isla sannadkaas, balse dib looma arag guddigaas iyo meel ay ku dambaysay.

Guddigaas ayaa ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Si kastaba ha ahaatee, lama garan  karo in Guddigani tahay Guddigii madaxweynuhu laba sanno ka hor u magacaabay inay wax ka qabtaan shaqo la’aanta dalka ka jira iyo Tahriibta iyo inay yihiin Guddi cusub oo ka hawl-galaysa Qorshaha lagu dhimayo shaqaalaha Ajaanibka ah ee dalka ku sugan si fursad loogu siiyo muwaadiniinta Aqoonta u leh.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories