HomeXukuumadda Somaliland oo Dalka Ka Mustaafurisay Siyaasi Maxamed Cumar Carte oo Madaarka...

Xukuumadda Somaliland oo Dalka Ka Mustaafurisay Siyaasi Maxamed Cumar Carte oo Madaarka Hargeysa lagu xidhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay Raysal-wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Ciidanka ammaanka ee Garoonka diyaaradaha Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay Siyaasi Maxamed Cumar Carte Qaalib wax yar kaddib markii uu ka soo dagay Garoonka Egal International Airport

Ma jiro war ku saabsan xadhigga iyo mastaafurinta siyaasigan oo ka soo baxay xukuumadda, haseyeeshee xogo warbaahintu ka heshay Madaarka Egal International Airport, ayaa tibaaxay in xukuumaddu dalka ka mustaafurisay siyaasi Maxamed Cumar Carte saacado kaddib markii lagu xidhay madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay Arbacada maanta.

Maxamed Cumar Carte Qaalib
Maxamed Cumar Carte

Siyaasigan ayaa ka yimi dhinaca Dalka Jabuuti oo uu ka soo raacay Diyaaradda AirDjibouti, waxaanay wararku sheegayaan in ciidammada ammaanku dib u saareen Diyaaradda Air Djibouti oo maanta gelinkii dambe soo fadhiisatay Madaarka Egal International Airport.

Lama oga sababta dhabta ah ee socdaalka uu Somaliland ku yimi siyaasi Maxamed Cumar Carte oo hore u shaaciyey inuu ka tanaasulay mabda’a Soomaali weyn iyo Kursiga Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa.

Maxamed Cumar Carte ayaa go’aankaas u qaatay si uu magaalada Hargeysa ugu yimaaddo Aabihii Allah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo xilligaas ku xannuunsanayey Hargeysa kahor intii aanu magaalada Hargeysa ku geeriyoonin badhamaha bishii November 2020.

Maxamed Cumar Carte ayaa xilligaas ku yimi Somaliland cafis madaxweyne, haseyeeshee geeridii Aabihii kaddib, waxa uu siyaasi Maxamed Cumar Carte dib ugu laabtay Muqdisho, isagoo halkii ka sii watay mabda’ii Soomaali-weyn ee uu sheegay inuu ka tanaasulay.

Socdaalka uu siyaasigani u yimi Hargeysa iyo Go’aanka Xukuumaddu ku mastaafurisay, ayaa ku soo beegmaya toddobaad kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi soo saaray Go’aan sii xoojinaya ciqaabta sharci ee lagu abaalmarinayo Siyaasiyiinta u dhashay Somailand ee ka qayb-qaata Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu go’aankiisa ku sheegay inaan wax cafis ah laga aqbali doonin Siyaasiyiinta faraha kula jirta Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ee u dhashay Somaliland ilaa la horgeynayo Maxkamad go’aan ka soo saarta Kiiskiisa, waxaanu hay’adaha ammaanka iyo kuwa sharci ee arrimahani khuseeyaan ku amray inay waajibaadkooda shaqo ka gutaan qof kasta oo lagu helo arrimahaas.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories