HomeXukuumadda Somaliland oo Daboolka ka qaadday Wax-qabadyada ku jira Wejiga Labaad ee...

Xukuumadda Somaliland oo Daboolka ka qaadday Wax-qabadyada ku jira Wejiga Labaad ee Qorshaha Horumarint a Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si faahfaahsan uga hadashay wejiga labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ay daadihinayso wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Md Xasan Cumar Hoorri.

agaasime-xasan-cumar-horriSida ku xusan war-saxaafadeedka, qorsheyaasha Xukuumaddu ku talo-gashay inay ku fuliso wejiga labaad, waxa ka mid ah sidii loo yarayn lahaa saboolnimada isla markaana loo hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo waxtar ka geystay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista adeegyada kala duwan ee bulshada.

War-saxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war-qadka ee shabakadda Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Qorshaha 2aad Ee Horumarinta Qaranka (QHQ2) SANNADAHA (2017-2021).

Goobta: Wasaaradda Qorshaynta Qaranka & Horumarinta

Aminata: 09.00 Subaxnimo 29/10/2016

Erayga: Agaasimaha Guud Xassan Cumar Hoorri

Sida laga warqabo waxaa aan dhowaan ka faraxalanaynaa Qorshahii Kowaad ee Horumarinta Qaranku (QHQ1) isagoo ku ekaa sannadahii 2012-2016. Sido kale, waxaa gabaabsi ah Qorshayaashii Horumarinta Wadaagayaasha (sectors) iyo Qorshahii Horumarinta Gobollada iyadoo labduba soo gebogeboobayaan dabayaaqada sannadkan 2016. Sidaa awgeed, iyadoo la tixgelinayo siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, isla markaana, laga duulayo mudnaanta ay kala leedahay baahida dalkeenna iyo dadkeenna; Wasaaradda Qorshaynta Qaranka & Horumarintu waxaa ay xilligan si baahsan ugu hawlan tahay diyaarinta Qorshahii 2aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ2).

1.Waxaa aan ka soo gudubnay dib-u-eegista iyo qiimaynta Qorshahii 1aad ee Horumarinta Qarabka (QHQ1) si loo ogaado waxii qorshaysnaa, wixii qabsoomay iyo wixii qabyo ah.

2.Qorshaha 2aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ2), haddii Eebbe oggolaado, waxaa uu socon doonaa 2016-2021 iyadoo dulucdiisu tahay sidii loo yarayn lahaa saboolnimada, loona gaadhi lahaa horumara waara.

3.Qorshaha cusub (QHQ2) waxaa uu kaga duwan yahay qorshahii hore:

  • Isagoo mudnaanta siinaya Qorshaha Horumarinta Degmada (QHD), isla markaana, midayn doona qorshayaasha heer degmo iyo heer qaran.
  • Wasaaradda Qorshaha Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa ay si mug leh u la shaqayn doonaan Dawladaha Hoose ee Degmooyinka iyagoo gacan weyn ka geysan doona meelmarinta nidaamka hoos u daadejinta maamulka kuwaasoo loo adeegsan doono nidaamayaasha maamul ee hore lagu sameeyay heer degmo.
  • QHQ2 waxaa uu tixgelin siin doonaa Gobollada dalka si ay dhankooda uga soo alkumo, ayna u ahaadaan aasaaska (QHQ2).
  • Sidaa darteed, Wasaaradda Qorshayntu toddobaadada soo socda waxaa ay ka soo fulin doontaa dhammaan gobolada dalka shirar hawleed looga arrinsanayo diyaarinta QHQ2.

Haddaba, Qorshaha 2aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ2) waxaa uu horseed u noqdon doonaa Qorshayaasha Fog ee Qaranka kuwaasoo lagu saleeyo Tiirarka Horumarineed ee Caalamiga ah (MDGs), isla markaana, lagu hilaadiyo halka uu ku sugnaan doona qaranku sannadka 2030, haddii Eebbe idmo.  Qorshaha waxaa tiir u ah lafa-guridda iyo horumarinta dhinacyada Dhaqaale (Economy), Kaabayaasha (Infra-structure), Maamul (Governance), Bulsho (Social) iyo Degaan (Environmental).

QHQ2 waxaa uu si toos u abbaarayaa qaab-dhismeedka hay’adaha qaranka iyo goldaloolooyinka ka jira si loo gaadho isbedel dhinacyada maamul, dhaqaale iyo bulsho taasoo keeni karta qaranku in uu tiigsanno ama uu gaadho horumarka aan haybinayno.

QHQ2 waxaa uu u gogol xaadhayaa in la diyaariyo jawi ay ka curan karto shaqo-abuuris, si loo meeleeyo, gaar ahaan dhallinyarada, iyo guud ahaan bulshada xoogoodu u ku baaqsaday hawl la’aan darteed, in la horemariyo xirfadaha shaqo, in lala jaanqaado tiknoolajiyadda casriga ah, iyo in la helo maamul-wanaag suura geliya tartan hufan iyo kor u qaadista dakhliga qofka iyo qarankaba.

Waxaa qorshaysan xukuumaddu in ay si mug leh u maal-geliso kaabayaasha dhaqaale, kor u qaado tayada hay’adaha qaran, in ay dhisto ama dhammaystirto shuruucda dalka iyo in ay abuurto siyaasado keena isbedelo horumarineed. Sidoo kale, xukuumaddu, horumarinta waxaa ay la kaashan doontaa ganacsatada oo iyagu ah giraanta wareejinaysa horumarinta. Si la mid ah, horumarka waxaa kaalin ka qaadan doona bulshada “Qurbojogga”, bulshada rayidka, muwaadiniinta, maalgeliyayaasha shisheeye iyo bulshada caalamka.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxaa ay hore u soo bandhigtay, haddana ay sii horumarin doontaa siyaasado ka tarjumaya baahida shacabka (oriented policies) si loo dhiirri geliyo maalgashiga sokeeye iyo shisheeyeba, wax-soo-saarka dhinacyada kala duwan sida xoolaha, beeraha, warshadaha yaryar iyo macdanta si looga daboolo baahida dalka, isla markaana loo gaadhsiiyo heer loo dhoofiyo dibedda. Xukuumaddu waxaa ay fulin doontaa horumarinta siyaasadaha lagu dhiirri-gelinayo ganacsiga xorta ah iyo fudaydinta jawi ganacsi oo lagu hodmo. Waxaa laga maarmaan ah in hore loo mariyo adeegyo tayo leh oo xafiisyada ummaddu ugu khidmeeyaan bulshada.

Haddaba, annagoo si wadajir ah u wada diyaarin donna aayaheenna iyo qorshaha qarankeenna, waxaan ugu baaqaynaa shacabka reer Somaaliland in ay nala tabantaabiyaan, talona ku soo darsadaan Qorshaha 2aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ2).  Sidoo kale, ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo qurbo-joogga waxaan ugu yaboohaynaa in ay gacan ka geysataan QHQ2 iyagoo nala wadaagaya xogta, qorshayaashooda gaarka ah iyo waxii talo-soo-jeedin ah.

Wasaaradaha iyo Hay’adaha Qaranka waxaan ka sugaynaa in ay soo gudbiyaan qorshayaashooda shanta sanno ee soo socda iyagoo ku qotomin doona siyaasadaha, barnaamijyada iyo mashaariicda tusmada u ah QHQ2. Ugu danbeyntii, bulshada caalamka, Hay’adaha QM, Ururada Samofaleed ee Caalmka, dalalka deeqda bixiya iyo Saaxiibada Somaaliland waxaa aan ka codsanaynaa in ay naga kaalmeeyaan diyaarinta, meelmarinta iyo xaqiijinta Qorshaha cusub, isla markaana, in ay waxqabadkooda ku saleeyaan QHQ2 iyo Aragtida Qaran ee 2030ka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories