HomeXukuumadda Somaliland oo Daah-furtay Wejiga koowaad Dhul-beereedyo Wax-soo-saarka Dalka lagu Dhiirri-gelinayo oo...

Xukuumadda Somaliland oo Daah-furtay Wejiga koowaad Dhul-beereedyo Wax-soo-saarka Dalka lagu Dhiirri-gelinayo oo Tog-wajaale lagu Ibo-furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

1,500 Hiktar oo Dhul-beereed ah oo laga Beereeyo Wax-soo-saar Dalagga oo u babac-dhigi kara maceeshadda Dalka Dibaddiisa laga keeno

Wajaale (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Taariikhda Casriga ah Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley ku Daah-furtay 1500 Higtar oo Qodaal ah, halkaasi oo laga Qodayo Midho kala duwan, si kor loogu qaado wax soo-saarka Qaranka isla-markaana Mustaqbalka Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca Cuntada, loogana Maarmo cuntooyinka Dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo.

IMG_1400Qodaalka 1500 higtar oo bilow u ah Saddex Goobood oo ay ka mid yihiin Deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer iyo deegaanka Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh oo laga qodayo min 1500 higtar, ayaa waxa Saaka waxa Daah-furay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)) oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo Wasaaraddiisu Mashruucan hormood u tahay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka waramay muhiimada wax soo saarku leeyahay, waxaanu yidhi “Waxay muujinaysaa in wixii aynu qabsan karno aynu dadka tusno, tana maanta waxa ay kaw ka tahay hawshaasi mashruuca weyn ee Wajaale aynu ka qabanayno ee ay Ciidamadu mudada Nusqanirga ah Gacanta ku soo hayeen ee dhana ay Wax soo saarka uga faa’iidaynayeen dhana ay dadka iyo dalka u ilaalinayeen”.

IMG_0998Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo madashaasi ka hadlay ayaa ka warbxiyey dedaalkooda sidii ay bulshada ugu jihayn lahaayeen dhanka wax soo saarka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Halkan aynu maanta taaganahay ee Wajaale, waxa ay kaw ka tahay wax soo saarkii dhanka beeraha ee ay balan qaaday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee aad Madaxweyne ku xigeenka ka tahay (Saylici), maanta talaabada aynu qaadaynaa waxa weeyi in wax soo saarkii la kordhiyo, maantana waxa aynu bilaabaynaa mashruucii Miisaaniyada noogu jirtay ee beerista Wajaale, waana markii u horeysay ee Miisaaniyada loogu daro wax soo saar, dhulkan lanagu wareejinayaana waa laba qaybood oo Qodaal barigii hore la qodi jiray ah iyo qayb Qardo ah oo aanu imika qodayno”.

IMG_0742Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isna doorka boolisku ku leeyihiin wax soo saarka ka hadlay waxaanu yidhi “Ciidamadu mar waxa ay ilaalinayaan Nabadgalyada qaranka iyo shacabka Somaliland, hadana waxa aad halkan indhahaaga ku aragtaa wax soo saarkood iyo tacabka ay ku jiraan ilaa halkii aynu ka soo leexanay Mudane madaxweyne ku xigeen waad arkaysay dhamaanteena halka ujeedo ee aynu leenahay ee madaxweynuhu inagu hoggaaminayaa waxa ay ahayd in wax soo saarka la badiyo”.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa insa madasha qodaalka beeraha Wajaale laga bilaabayey khudbad ka jeediyey waxaanu yidhi “Maanta waxa aan halkan aynu taaganahay oo ah halkii Ciidanka Qaranka ku wareejinayaa si ku meel gaadh ah Wasaaradda beeraha”.

Wasiirka horumarinta Waxbarashada Yaasiin Faratoon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ka aragnay dhul baaxad leh oo ku haboon wax soo saarka, waxaanan filyaa in maalgalin badan inoo soo jiidi doono”

 IMG_1026

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo isna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Farxad gaar ah ayey noo tahay mar hadaanu nahay gobolkii laga filayey in wax soo saarka wadanka 80% soo saarno in halkan laga bineeyo mashruucii adiga (Madaxweyne ku xigeenka) iyo Madaxweynuhu aad balan qaadeen ee ahaa in wax soo saarka la kobciyo ee qorshihiisu Miisaaniyada inoogu jiray, maantana waa la bud dhigay”.

Guddoomiyaha Degmada Wajaale “Wax soo saarkan roobka mooyaane dhulka waxa ku jira biyahaasi sidii ceelel loogu samayn lahaa lagu waraabiyo oo goor walba la tabco in lagu dedaalo weeyaan”.

 IMG_1133

Wasiirka Horumarinta Beeraha, Taliyeyaasha Ciidammada Milletariga, Booliiska, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Hawl-wadeennada kale ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa si rasmi ah u Shiniyeeyay Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale oo 21 Cagaf bilaabeen inay qodaan 1500 higtar oo ka mid ah Dhulkaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories