HomeXukuumadda Somaliland oo Cambaareeyey Xasuuqii Shalay Muqdisho ka dhacay

Xukuumadda Somaliland oo Cambaareeyey Xasuuqii Shalay Muqdisho ka dhacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa markii u horaysay cambaaraysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dorraad ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho oo ay dad badani ku dhinteen, daraasiin kalena ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay u waramay teleefishinka HCTV, ayaa sheegay inuu weerarkaasi muujinayo argagixisadu saamaynta ay ku yeelatay Soomaaliya, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaanu ka tacsiyadaynaynaa anaga oo ka xun dhibaatadii ku dhacday shacabka Soomaaliya, weerarkii ay dorraad ku qaadeen kooxda argagixisadu dad fara-badan oo maati u badan oo dhalinyaro u badan oo arday u badan ay naftoodii ku waayeen. Sida aanu wararka ku helayno halkaa waxa ku naf waayay dad aad iyo aad u fara-badan  oo shacab u badan oo wax waliyo waxay gaysteen aanay jirin, intaasi xukuumda Somaliland iyo shacabkeedu aad iyo aad bay uga xunyihiin.”

Wasiirka oo cambaaranaya weerarkaas waxa uu hadalkiisa intaa ku daray, “Waxaanan halkan ka cambaaraynaynaa argagixisada fal-dembiyeedka intaa le’eg gashay. Waxay arrimahani muujinayaan khataraha ku wajahan mandaqada geeska afrika.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay foojignaadaan, waxaanu ciidamada booliska iyo qarankaba ugu baaqay inay iska ilaaliyaan inay argagixisadu soo weerarto Somaliland. “Waxa kale oo aanu shacabka reer Somaliland ugu baaqaynaa inay kordhiyaan oo ay libin-laabaan foojignaantoodii hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ay ku ilaashanayeen nabadgelyadooda, ciidamada nabadgelyada qarankuna sidii hore looga bartay waxay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahayeen qarannimada Somaliland iyo wixii kale ee dhibaatooyin dalka u keenaya intaba, waxaanan ku kalsoonnahay inay arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabadgelyada ku jirta.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa intaa ku daray, “Laakiin xukuumadu waxay sii kordhinaysaa dedeelkii ay hore-ba ugu jirtay xaga ilaalina nabadgelyada iyo la shaqaynta caalamka iyo sidii ay waligeedba ula shaqayn jirtay khataraha argagixisada iyo budhcad-badeeda ee gobolka loo yarayn lahaa.”

Somalilandpost.net

Yaasiin_29@rocketmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories