HomeXukuumadda Somaliland Oo bogaadisay Madaxweynaha Cusub ee dalka Taiwan

Xukuumadda Somaliland Oo bogaadisay Madaxweynaha Cusub ee dalka Taiwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Natiijada Doorashada Oo Farriin u Dirtay Shiinaha

Taipei (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee ku guulaystay Doorashada dalka Taiwan.

Xisbiga talada dalka haya ee DPP, ayaa markii saddexaad oo isku xigta ku guulaystay doorashada madaxweynaha Taiwan, iyadoo murashaxa xisbiga DPP ku guulaystay in ka badan boqolkiiba 40.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa hambalyo loogu diray madaxweynaha Cusub ee dalka Taiwan Lai Ching te iyo madaxweyne ku-xigeenka Hsiao Bi-khim.

“Taiwan waxay si dhab ah u muujisay sida ay ugu heelan tahay qiyamka dimuqraadiga ah, waxaanay tusaale ay u hiigsadaan u tahay dalalka kale.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku baahisay barteeda X.

“Somaliland waxay si kal iyo laab ah u taageersan tahay xoriyadda, kala-dambaynta, maamul wanaaga iyo dimuqraadiyadda aad hiigsanaysaan. Waxaanu rejaynaynaa inaynu horumar ka gaadhno Iskaashigeenna.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Guusha Xisbiga DPP ka gaadhay Doorashooyinka Taiwan, ayaa farriin cad u dirtay Shiinaha oo sheegta in Taiwan tahay Qayb dhulweynaha Shiinaha ka tirsan, waxaanay natiijadu muujisay sida ay shacabka Dalkaas uga go’antahay ka-midho-dhalinta madax-bannaanida dalkooda.

Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dalka Taiwan, waxa ku tartamay saddexda xisbiga ee DPP, KMT iyo TPP. Murashaxa madaxweynaha Xisbiga KMT ayaa ku guulaystay boqolkiiba 33.5 halka murashaxa xisbiga TPP helay boqolkiiba 26.5.

Doorashada Baarlamaanka, ayaa Xisbiga DPP ku guulaystay 51 Kursi, Xisbiga KMT wuxuu helay 52 kursi halka xisbiga TPP ku guulaystay 8 kursi, taasoo ka dhigan inaanu jirin xisbiga ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaas.

Xisbiga kaalinta 2aad ka galay doorashada Taiwan ee Kuomintang (KMT), ayaa xambaarsan afkaarta iyo midnimada dhulweynaha Shiinaha.

Somalilandpost Media Inc.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories