HomeXukuumadda Somaliland oo bogaadisay Ansixinta Xeerka Iskaashiga Maraykanka iyo Muhiimadda uu leeyahay

Xukuumadda Somaliland oo bogaadisay Ansixinta Xeerka Iskaashiga Maraykanka iyo Muhiimadda uu leeyahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay xeerka difaaca qaranka Maraykanka, oo Golaha Wakiilada Maraykanku wax ka badal ku sameeyeen si loo waafajiyo xidhiidh difaac oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay Somaliland soo dhaweynayso wax-ka-badalka xeerkan oo goluhu ansixiyeen Khamiistii shalay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa lagu yidhi, “Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku bogaadinaysaa Golaha Wakiilada Maraykanka meel-marinta Xeerka ogolaanaya in wasaarada arrimaha dibaddu samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixinta suurto-galnimada iskaashi dhinac amaanka ah oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland”.

Xeerka ayaa suurta-galinaya inay Maraykanka iyo Somaliland ka wada shaqeeyaan saldhig Milatari oo xulafada reer Galbeedku ka samaystaan Berbera oo u fududaynaya hawl-gallada Milatari ee ay ka leeyihiin Geeska Afrika, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee mandaqadda, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo Ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Good, ayaa isna soo dhaweeyay ansixinta xeerkan, isaga oo golayaasha sharci dajinta Maraykanka ku booriyay in ay gacan ka gaystaan dhaqan galintiisa.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa qalka wakiilada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgalinta talaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibada iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi-baadhis wakhti ku qabsoonta oo horseeda horumarinta danaha la wadaago ee labadeena dimuquraadiyadood,” sidaas ayuu yidhi Safiirku.

blankSomaliland iyo Maraykanka ayaa la filayaa in ay dhawaan kala saxeexdaan heshiis iskaashi oo salka ku haya dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga maadama la ansixiyey xeerkii suurto-galinayay heshiiska oo ku yimi booqashadii madaxweynaha Somaliland bishii March ee sannadkan kku tagay Washington.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories