HomeXukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka U soo bandhigtay Xaqiiqooyinka Dagaalka Laascaanood

Xukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka U soo bandhigtay Xaqiiqooyinka Dagaalka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Beesha Caalamka ku War gelisay inay Magaalada Laascaanood Ciidankeeda kula dagaalamayaan Ciidamo ay Maraykanka iyo Imaaraadku u tabobareen la-dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad-badeedda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku faahfaahisay dhacdooyinkii ka dhacay gobolka Sool tan iyo bishii February ee sannadkan.

Waxa War-saxaafadeedka lagu sheegay in Somaliland lagu soo qaaday weeraro hawlgalo joogto ah oo lagu doonayo in lagu khalkhal galiyo xasiloonida mandaqada, kuwaas oo ay fulinayaan isbahaysi ka kooban ciidammo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kooxaha argagixisada ah, maleeshiyaadkii Laascaanood iyo askartii Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

“Ilo-wareedyo sirdoon ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka badda Puntland ee PMPF oo ay Imaaraadku u tababareen la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo budhcad-badeedda ee ka hawl-gala Puntland-Soomaaliya ay hadda ku biireen isbahaysiga, iyagoo qaataqaata direys kala duwan si ay u qariyaan ujeeddooyinkooda runta ah.

Sidoo kale, ilo-wareedyadu  waxay xaqiijiyeen in laba iyo toban baabuur oo Land Cruiser ah si ula kac ah loo habeeyey si loogu isticmaalo colaadda Laascaanood.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xukuumaddu waxa ay sheegtay in Imaaraadka iyo Somaliland uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo iskugu jira arrimo ganacsi, nabadgelyo iyo mid horumarineed waxayna Somaliland sheegtay inay ka xun tahay in Ciidankii uu Imaaraadku u maalgeliyey Maamul goboleedka Puntland Somalia ay hada ku hawlan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen nabadgelyada Somaliland.

Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay, “Waxa arrin aad looga xumaado ah in ciidamo ay tababareen Imaaraadka iyo Maraykanka oo markii hore loogu talagalay inay la dagaalamaan argagixisada iyo budhcad-badeedda ay hadda ka barbar dagaalamaan kooxahan xagjirka ah ee ka soo horjeeda Somaliland.”

Xukuumaddu waxa ay saaxiibbada Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaysay, “Waxaannu saaxiibadayada iyo beesha caalamkaba u caddaynaynaa in Somaliland ay si hagar la’aan ah u gudatay waajibaadkeeda, isla markaana ay tixgelisay baaqyadii ka soo baxayey beesha caalamka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga, waxa lagu sheegay in Somaliland ay aqbashay dhexaadintii ay wadday  dawladda Itoobiya, inkastoo ay Wax laga xumaado tahay in maleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascaanood aanay qaadan dhexdhexaadintaas iyo baaqyadii ka soo baxayay beesha caalamka.

“In kasta oo aan si dhab ah u dadaalnay, haddana waxa wali nagu socda weeraro aan kala joogsi lahayn, taasoo keentay in magaalada ay qabsadaan kooxaha argagixisada iyo isbahaysigan Cusub,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa ay Xukuumaddu caddeysday inaanay Somaliland ka waaban doonin inay difaacdo qaranimadeeda si ay u soo afjarto colaadaas, waxayna beesha caalamka u soo jeedisay inay cambaareeyaan ficillada ay wadaan isbahaysigan burburinaya nabada deegaankaas, isla markaana ay Somaliland ku taageeraan dedaalka ay ugu jirto soo celinta nabadda iyo xasiloonida Magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories