HomeXukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay Amni-darrada iyo Qalalaasaha Kooxda...

Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay Amni-darrada iyo Qalalaasaha Kooxda Cali Khaliif ku fooggan yihiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siciid cali muuseHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka u soo bandhigtay tallaabo malleeshiyaadka Kooxda Khaatumo loogu qancinayo inay ka waan-toobaan falalka deggenaanshiyo la’aanta iyo iska-horimaadka ka abuuri kara deegaamada gobollada Bari ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u iftiimisay in xasilooni-darrada iyo qalalaasaha ka taagan Bariga Somaliland ay masuuliyaddeeda leeyihiin maleeshiyaadka la baxay Khaatumo, waxaanay xukuumadda u soo jeedisay beesha caalamka inay ku qanciyaan kooxdaas sidii ay uga waantoobi lahaayeen dhibaatada ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaankaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey doorka Somaliland ku leedahay xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshiyaha mandaqadda, isla markaana ay wakhtiganna diyaar u tahay tallaabo kasta oo lagu xoojin karo deggenaanshiyaha mandaqadda, balse aanay cidna kula gor-gortamayn ilaalinta iyo sugidda ammaanka xuduudaha dalkeeda.

“Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay kala hadlaan maleeshiyaad khaatumo iyo taageerayaashooda inay ka waantoobaan wax kasta oo xasilooni-darro abuuri kara, qalalaasena ka dhalin kara tuulada Saax-dheer ee Bariga Somailand. Beesha Caalamka, Somaliland iyo deriskeedu waxa ay ka midaysan yihiin oo dani ugu jirtaa ilaalinta nabada iyo deggenaanshaha Somaliland ku caano-maashay muddada 23-ka sanno ah ee ay jirtay.

“Malleeshiyaadka Khaatumo waxa ay xasilooni-darro iyo degenaanshiyo la’aan ka abuureen qaybo ka mid ah gobolka Sool ee Bariga Somaliland, taas oo aanay oggolaan doonin dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Iska-horimaadkii u dambeeyey ee ka dhacay Saax-dheer waxa keenay joogitaanka maleeshiyaadka ee magaaladaas oo walaac ka dhex-bauuray bulshada deegaanka ku dhaqan,” Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Arrimaah Dibadda Siciid Cali Muuse.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories