HomeXukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka u Gudbisay Mowqifkeeda Khilaafka Siyaasiga ah ee...

Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka u Gudbisay Mowqifkeeda Khilaafka Siyaasiga ah ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedaysay khasaaraha ka dhashay rabshado maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, kaddib markii xisbiga Waddani bannaan-bax ka sameeyeen badhtamaha caasimadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo lagu socodsiiyey beesha Caalamka iyo saaxiibbada Somaliland, ayaa lagu sheegay xukuumaddu ka xun tahay dhacdadii maanta oo ay ku tilmaantay tallabo ka hor-imanaysa shuruucda iyo qawaaniinta dalka.

“Dowladda Somaliland waxa ay ka xuntahay dhacdadii maanta Hargeysa oo ahayd mudaharaad aan loo baahnayn oo xisbiyada mucaaradku soo abaabuleen, kuwaas oo ka hor-imanayey shuruucda iyo qawaaniinta u dejisan Somaliand oo ku jira Xeer lambar 51/2012,” sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland wax ay xustay inay diyaar u tahay sii-socoshada wada-hadallada xisbiyada Mucaaradka.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay qiraysaa kaalinta ay noogu jiraan Beesha caalamka iyo daneeyayaasha geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.”

“Xukuumad ahaan, waxa nagu waajiba inaanu ilaalino badbaadada iyo ammaanka muwaadiniintayada annagoo sii wadi doono wada hadaladii noo socday, waxaanu ku dhiirigelinaynaa xisbiyada mucaaridka ah inaanay ka bixin xayn-daabka wada-hadallada,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

blankXisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa isku khilaafay mudaharaadka ay maanta ka sameeyeen magaalada Hargeysa, waxaana bannaan-baxa ku kalliyeystay xisbiyada Waddani. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe, ayaa sheegay inaanay mucaarad ahaan isku ogeyn bannaan-baxa oo uu sheegay inay u muddeeyeen maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories