HomeXukuumadda Somaliland Oo Bayaan Ka Soo saartay Xiisadda Laascaanood iyo Dagaalkii Maanta

Xukuumadda Somaliland Oo Bayaan Ka Soo saartay Xiisadda Laascaanood iyo Dagaalkii Maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay geed-dheer iyo mid gaaban ba u fuushay hirgelinta wax kasta oo suurto-galinaya nabadgelyo ku-wada-noolaansho si loo gaadho xalka xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Xarunta gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyey uu ka socday shir ay isugu yimaaddeen madaxda dhaqanka ee gobollada Buuhoodle iyo Sool, ayaa maanta dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ku dhex-maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo malleeshiyo-beeleed maalmihii u dambeeyey isku urursanayey gudaha magaalada.

Dagaalka oo bilaabmay subaxnimadii hore ee Isniinta Saaka, ayaa ku yimi kaddib markii malleeshiyaad ka amar-qaata Garaaddada shirku uga socdo magaalada ay weerar ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee magaalada Laascaanood, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba soo gaadhay.

Xukuumadda Somaliland oo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood kaga hadashay war-saxaafadeed lagu faafiyey luqadda Ingiriisiga, waxa ay sheegtay inay wada-hadallo ku yaboohday fool-ka-fool ah oo dhexmara madaxda dowladda iyo madax-dhaqameedka si looga fogaado isfaham la’aan ka dhalan karta isku-dhac hubaysan oo ku dhiig ku daato, balse nasiib-darradu ka dhacday kaddib markii madax-dhaqameedka qaarkood natiijadii wada-hadallada ka hor-dhaceen, dagaalna iclaamiyeen, isla markaana weerar ku qaadeen fadhiisimada Ciidamadu ku leeyihiin magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirrada ku sugan magaalada Laascaanood ay soo weerareen kooxo hubaysan oo ay hogaaminayaan shakhsiyaad caan ah oo argagixisada ka tirsan, kuwaas oo sida warka lagu sheegay dhawaan soo galay magaalada Laascaanood iyagoo taageero ka helaya madax-dhaqameedka shirku uga socday magaalada.

Ugu dambayn, waxa ay xukuumadda Somaliland war-saxaafadeedka ku sheegtay inay Ciidamada Qaranku juhdi iyo dedaal badan ku bixiyey sidii aanu khasaare u soo gaadhin dadka shacabka ah maadaama kooxaha argagixisada ahi gabbood ka dhigteen meelaha dadka rayidka ahi ku badan yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories