HomeXukuumadda Somaliland oo awaamiir ka soo saartay adeegsiga Hirarka Isgaadhsiinta ee dalka

Xukuumadda Somaliland oo awaamiir ka soo saartay adeegsiga Hirarka Isgaadhsiinta ee dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Boosaha, isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa soo saartay Awaamiir  ay ku xadidayso Hirarka ay isticmaalaan Telefiishannada Dalka ka hawl-gala.

Wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil ayuu ku sheegay in Shirkadaha bixiya Adeegga Muuq-baahinta ama Telefiishannada looga baahan yahay soo codsadaan inay dib u soo codsadaan diwaangelinta Hirarka ay adeegsadaan.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Wareegtada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

Markaan arkay:- Qodobbada 31-aad, 36-aad iyo 39-aad ee xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL  Xeer Lr. 50/2020

Markaan Arkay:- Qodobbada kala duwan ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Hirarka Isgaadhsiinta Xeer Lr. 05/2020 ee Wasaaraddu soo saartay.

Markaan ogaaday:- baahida loo qabo horumarinta Maamulka Hirarka isgaadhsiinta iyadoo la ilaalinayo Habsami u adeegsiga hirarka astaysan.

Markaan arkay:- in qaabka imika ay Wasaaraddu u bixiso Ruqsadda Hirarka isgaadhsiintu aanay ahayn mid waafaqsan Hab-raacyada Hay’adaha Caalamiga ahi dejiyeen.

Markii aan u kuur-galay:- Qaabka ay dalalka aynu jaarka nahay ee aynu ku wada jirno Gobolka 1-aad ee Hay’adaha Caalamiga ah ee Isgaadhsiinta (ITU) ay u Maamulaan Hirarka Isgaadhsiinta  ee Telefiishannnada.

Waxaan Go’aamiyey:-

In shirkadaha bixiya adeegga Muuq-baahiyaha ee loo yaqaano (Cable Tv) ay adeegsan karaan ugu badnaan lix (6) Kanaal (Channel) oo Hirarka  UHF-ka ah.

In dhammaan shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusan dib u soo codsadaan diwaangelinta hirarka ay imika adeegsadaan muddo saddex bilood gudahood ah.

In shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusani u hoggaansamaan Xeerarka, Hab-raacyada iyo Tilmaamaha Wasaaraddu soo saarto ee la xidhiidha nooca, awoodda, iyo Tayada Qalabka baahinta iyo horumarka farsamada Casriga ah.

In Wasaaradda iyo shirkaduhu ka wada shaqeeyaan  habsami u adeegsiga hirarka isgaadhsiineed ee la xidhiidha adeegsiga Muuq-baahiyaha iyo Farsamada lalinta.

Wakhtiga ay ku hirgelayaan Qodobbada Wareegtadani waa muddo saddex bilood ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi wareegtada wasiirka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories