HomeXukuumadda Somaliland oo Awaamiir Culus Dul-dhigtay Ganacsatada Dalka oo Tallaabooyin Sharci laga...

Xukuumadda Somaliland oo Awaamiir Culus Dul-dhigtay Ganacsatada Dalka oo Tallaabooyin Sharci laga Qaadayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamo ay maanta soo saartay ku shaacisay in tallaabo adag oo gaadhsiisan in Sharciga la horgeeyo dul-dhigtay Ganacsatada dalka ee qiimo-kororka ku samaysa Maceeshadda ama raashinka ay shacabka ka iibinayaan.

blankWaxa maalmihii u dambeeyey meelaha qaarkood laga dareemay kor-u-kac ku yimi Qiimaha Raashinka, kaddib markii ay xukuumaddu dhawaan heegan xaalad deg-deg ah gelisay dalka sababo la xidhiidha dedaallada lagaga gaashaamanyo ka hortagga caabuqa CoronaVirus oo kiisas ka mid ah laga xaqiijiyey dalalka xuduudka la wadaaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa Ciidamada Ammaanka, masuuliyiinta iyo guddiyada nabadgelyada ee heer gobolka iyo degmo ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo Qiimo-koror ku samaysa Maceeshadda daruuriga ah.

“Waxa la soo sheegay, meelaha qaarna la soo xaqiijiyey in raashinkii dadka qiimo-kac ku dhacay oo ganacsatadii qaar ka mid ahi ay raashinkii qaaliyeeyeen, in daawooyinkii dalka laga saaraayo oo la baalmaray amarkii guddiga ka hortagga CoronaVirus-ka. Dalalka adduunka iyo kuwa jaarka ahba waynu ku xidhanahay, laakiin marka ay gaadho arrintan loo bixiyey masiibo caalami ah loo bixiyey, haddana dal walba waxay ku tahay masiibo qaran.

Ummad kasta oo dal ku nool, hadday tahay dowlad, shacab iyo ganacsato waxa loo wada dhaqmayaa si gooni ah oo isku mid ah si barnaamijka loo fuliyo, waayo xannuunkani cid gaar ah uma calaamadsana,” Sidaas ayuu yidhi Md Maxamed Kaahin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ka hadlay kulan maanta dhexmaray Ganacsatada waaweyn ee dalka iyo Rugta Ganacsiga Somaliland, “Ganacsatadu waxay sheegeen inaanay jirin raashin la’aan, inaanu jirin qiimo ku kordhay raashinka iyo in ganacsatada iyo Rugta ganacsigu kala shaqaynayaan dowladda sidii dadkaas (lacagta lagu kordhiyey raashinka) tallaabo looga qaadi lahaa.”

Wasiirku waxa uu Ciidamada Ammaanka iyo masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka dalka ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan ganacsatada qiimo-kororka ku sameeya Raashinka, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka farayaa guddiyada nabadgelyada, badhasaabbada, maayarrada, ciidamada ammaanka inay si joogto ah ula la socdaan ganacsatada, bakhaarrada dukaamada qiimaha raashinka lagu iibinayo cid kasta oo lagu arko inay sicirka kicinayaan in tallaabo laga qaado oo sharciga la hortaago.”

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories