HomeXukuumadda Somaliland oo $15 Milyan U Qoondaysay Doorashooyinka

Xukuumadda Somaliland oo $15 Milyan U Qoondaysay Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horrumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shaaciyay in lacag dhan $15 milyan oo dollar loo qoondeeyay doorashooyinka Somaliland ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo sannadka soo socda.

Wasiir Sacad Cali Shire aya hadalka ku warbixin uu ka jeediyey Golaha Wakiillada oo uu maanta hor-geeyey Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka, taas oo Khamiistii toddobaadkii hore ansixiyeen Golaha Wasiirrada Somaliland.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in saaxiibada dalalka Beesha Caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland ay doorkooda ka qaadan doonaan doorashooyinka.

“Mudnaanta aynu siinay meelaha kharashku ku baxo, waxay ku salaysan tahay siyaasadda xukuumadda iyo xaaladaha ka taagan waddanka.

Sannad misaaniyadeedka 2023-ka waxa mudnaanta la siiyay amniga, doorashooyinka, biyaha, degaanka, wax-soo-saarka, citiraafka iyo waxbarashada.

Mudanayaal waxa doorashooyinka sannadkan aynu ku jirno ee 2022 ugu jira miisaaniyada 5 milyan, miisaaniyada sannadka soo socda ee 2023-kana waxa loo galiyay 10 milyan, isugeyn waxa loo qoondeeyay doorashooyinka soo socda ee 2023-ka lacag dhan 15 milyan, inkasta oo ay innagu adag tahay, lacagta aynu u qoondaynay doorashooyinka innaguma fila, waxa aynu rajjeynayna saaxiibadii awalba innaga caawin jiray doorashooyinku inay tana inaga caawiyaan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland shalay, ayaa lagu sheegtay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku gacanta ku hayaan kharashaadkii ay ku bilaabi lahaayeen Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha maaddaama oo Golaha Wasiirradu uu Khamiistii ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2023-ka.

Somaliland, waxa ka taagan khilaaf salka ku haya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada ta soo horraynaysa ee marka koowaad dalka ka dhacaysa.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa doonaysa In marka koowaad la qabto doorashada Ururrada siyaasadda, halka Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay doonayaan In la qabto doorashada Madaxtooyada, wallow aanay ku qabsoomayn muddadii hore loogu qorsheeyay isla-markaana Golaha Guurtidu ay Madaxweynaha u sameeyeen muddo-kordhin dhan 2 sanadood, taasi oo macnaheedu yahay inay xilligeedii dib uga dhacayso.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories