HomeXukuumadda Somaliland iyo Ganacsada Dalka oo ka shiray Qorshe Talaal Cusub loogu...

Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsada Dalka oo ka shiray Qorshe Talaal Cusub loogu Raadinayo Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiyada ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19 iyo Abaaraha, ayaa xalay kulan ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha guddiyada ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka Covid-19 iyo Abaaraha oo uu guddoominayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga xanuunka Covid-19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo ganacsatada heerarka kala duwan ee dalka, waxana lagu lafo-guray sidii wada-jir laysaga kaashan lahaa xaaladaha abaaraha iyo xanuunka COVID-19 oo culays badan ku haya nolosha bulshada Somaliland.

blankUgu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ganacsatada uga warbixiyey halka ay marayso xaaladda xanuunka Covid-19, iyo sida ay wasaaraddu u maaraysay tallaalkii dalka la keenay, waxana uu caddeeyey in loo baahan yahay talaal cusub oo bulshada loo raadiyo, taasina u baahan tahay talo ballaadhan oo ganacsatada, xukuumadda iyo shacabka kaleba ka yeeshaan sidii dalka loo keeni lahaa tallaal.

Maareeyaha hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa isaguna ku dheeraaday heerka ay gaadhsiisan tahay abaarta baahsan ee dalka ka jirtaa, waxana uu tilmaamay in baahi loo qabo sidii uu qaranku gacmaha isugu qabsan lahaa la tacaalista biyo yaraanta jirta iyo u gargaaridda dadka tabaalaysan ee abaartu taabatay.

Qaar kamid ah golaha wasiirrada oo madasha hadallo kasoo jeediyey, ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba bulshada kale ee muxsiniinta ah usoo jeediyey inay qayb libaax ka qaataan sidii loo heli lahaa dhaqaale qaranku ku waajaho dhibaatooyinka is-barkan ee xanuunka Covid-19-ka iyo abaaraha dalka ka jira.

Xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka oo iyaguna hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo jeediyey talooyin is-kaashi oo lagaga dabbaalan karo dhibaatooyinka ay bulshada u geysteen xanuunka COVID-19 iyo abaarta baahsani, waxanay caddeeyeen inay ganacsato ahaan diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan dhaqaale kasta lagu samato-bixinayo dadka iyo duunyada dhibaataysan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka Covid-19 oo kulanka soo afmeeray, ayaa ganacsatada uga mahadnaqay niyad-wanaagga iyo heellanaanta waddaniyadda leh ee ka muuqata iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in dhaqaalaha ay hayaan kaga qayb-galaan la tacaalista Aafooyinka abaarta iyo xanuunka Covid-19 ee dalka ka jira, waxana uu caddeeyey in xukuumadda iyo ganacsatada oo isku duubani si midaysan u wajihi doonaan xaaladdan haatan taagan oo ah mid u baahan in gacmaha la is wada qabsado.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories