HomeXukuumadda Somalia Oo Ka Jawaabtay Warar Ku Saabsan In AMISOM Xidhay Shaqaalihii...

Xukuumadda Somalia Oo Ka Jawaabtay Warar Ku Saabsan In AMISOM Xidhay Shaqaalihii Diyaaraddii Muqdisho Agteeda Ku Dhacday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho(SLpost) – Warar soo baxay galinkii dambe ee Jimcaha ayaa sheegay in ciidamada midawga Africa ee Somalia ku sugan xabsiga dhigeen 6 shaqaale ah oo waday diyaaradii dhawaan ku dhacday duleedka Muqdisho. Wararka isa soo taraya ayaa sheegay in shaqaalaha lagu haysto diyaaradda oo aanay shidaalka u ilaalin.

 

 

 

Diyaaradda oo xilli habeenimo ah socotay, islamarkaana saanad u siday ciidanka Amisom ayaa la sheegay in shidaalku ka dhammaaday kadibna ay ku dhacday meel u dhaw Muqdisho, balse shaqaalaha la socday ayaa ka samato baxay shilkaasi. Garoonka Muqdisho oo aan habeenkii shaqayn ayay suuro gal noqon wayday in diyaarada oo Masar laga lahaa soo cago dhigato.

 

 

 

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa warbaahinta Hiiraan u sheegay in shaqaalahaasi aan la xidhin, waxaanu ku dooday inay degan yihiin hotel kuwa Muqdisho ka mid ah “Waxaan idiin xaqiijinayaa in shaqaalihii diyaaraddii raashinka u wadday AMISOM ee ku dhacday dhawaan agagaarka degmada Afgooye aan la xidhin oo ay xorriyadooda haystaan, sidoo kalena baasaboorradoodii haystaan, ayna deggen yihiin mid ka mid ah hoteellada ku yaalla Muqdisho,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

 

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Tristar oo ka diiwaan-gashan Masar, iyadoo xilli habeen ah ku soo aadday Muqdisho, balse degi waday, markaas kaddibna ku dhacday Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories