HomeXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Sidee ayay Mudnaanta u kala siisay Horumarinta Madaarrada dalka?

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Sidee ayay Mudnaanta u kala siisay Horumarinta Madaarrada dalka?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa tafaasiil ka bixisay sida ay ugu kala mudan yihiin horumarinta iyo casriyeynta ay ku wadaan madaarrada dalka oo qaar ka mid ah wakhtigan ay ku socdaan dib-u-dhis iyo ballaadhin maaliyadda ku baxaysa ay bixiyeen waddamada Somaliland ka caawiya dhinaca horumarinta adeegyada Bulshada.

Maxamuud-Xaashi1Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta Xadhigga ka jarayey mashaariic laga hirgeliyey qaybo ka mid ah madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa sheegay inaanay jirin sabab ay u kala xigtaysanayaan casriyeynta madaarrada dalka balse ay jiraan asbaabo kallifaya in la kala horreysiiyo dib-u-diska madaarrada dalka maadaama aanay Somaliland haysan dhaqaale ku filan dib-u-dhiska dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobollada dalka.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Garoomada Somaliland anaga waa isku kaayo mid, aniga ayaana u wada Wasiir ah, madaxweynaha uga wakiil ah, gobalaysi iyo kala dhawaysi midna ma jiro, laakiin siyaasad iyo istaraatijiyad aan madaxweynaha kala tashaday ayaanu ku kala horumarinnaa dhismahooda, waayo ma lihin awood dhaqaale oo aynu mar ku wada dhisno. Way fiicnaan lahayn inaynu madaaradeena mar wada dhisnaa, mar haddii dhaqaalaheenii xaddidan yahay waxa lays waydiinayaa, keebaa mudan? Waxa mudan madaarka caasimadda, waana  inuu noqdo garoon qiimo leh, oo adduunka aynu kala xidhiidhno oo laynoo soo maro, anaga oo aan madaarka Hargeysa dhisin kuwo kale ma dhisi karno. Madaarka Berbera waa madaar meel kula yaala marsadeenna caalamiga ah, waa mid sare u qaadanaya ganacsigeena waa Garoon sibidh ah International ah, wax caalami ahna isaga ayeynu leenahay, kan Hargeysa hada ayeynu la hiigsanahaynaa.”

Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Madaarka muhiimadda saddexaad noo lihi waa ka Burco, isagana muhiimaddiisu maaha Wasiirka ayaa Burco ka soo jeeda iyo Burco ayaa wax kale kaga duwan; waa garoon ku yaala halka sayladdii Xoolaha ee Geeska Afkira ugu weyni ay ku taalo, waxaanu ugu talo galnay inuu gobolad Bari oo dhan kabo, waxaanu leenahay bulshada Somaliland waxaynu nahay qaran aan wali la aqoonsan, markaas waa inaynu maalinba madaar dhisnaa oo qorshe yeelnaa, waxaan arintaa u xusayaa waxa laga yaabaa in dad muwaadiniin ahi ay wakhtiyada qaar khalad ka fahmaan marka aynu ka hadlayno arrinta dhismaha Madaaradda,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories