HomeXukuumadda Siilaanyo oo markii u horeysay ka hadashay Wasiirradii Iska casilay iyo...

Xukuumadda Siilaanyo oo markii u horeysay ka hadashay Wasiirradii Iska casilay iyo Miisaankooda Siyaasadeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa weedho kala duwan oo u muuqda nin Jeclaysi iyo Xod-xodasho ku fasirtay go’aanka ay isku casileen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis SAmaale iyo Wasiirkii Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo todobaadkan shaaca ka qaaday inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo madaxweyne Siilaanyo Wasiirka Waxbarashada ugu magacaabay Isku-shaandheyn uu ku sameeyey golihiisa Wasiirrada, haseyeeshee Cabdicasiis Samaale oo saluugay nidaamka madaxweynuhu u cuskaday beddelkiisa oo uu ku tilmaamay inaan lagala shan, isaga oo ku gacan-saydhay xilka wasaaradda Waxbarashada ee loo magacaabay.

samaale abiibSidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, ayaa shir-jaraa’id oo uu dorraad ku qabtay gurigiisa ku shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda, waxaanu go’aankiisa ku sababeeyey inuu daba-socdo xilka laga qaaday Wasiirka Maaliyadda oo uu tilmaamay shakhsiyaad adeegsanaya awoodda madaxweynaha inay ka dambeeyeen.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta warfidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu siyaabo kala duwan u fasiray aragtida xukuumad ahaan ay ka qabaan is-casilaadda Samaale iyo Abiib Tima-cad oo labadoodu ka soo jeeda gobolka Gabiley.

Cabdilaahi Daahir oo wax laga weydiiyey go’aanka is-casilaadda Cabdicasiis Samaale, waxa uu ku jawaabay, “Cabdicasiis Samaale wasiir muhiim ah buu ahaa, waa aasaasayaashii Kulmiye, immikana maan maqal inuu yidhi Xisbiga Kulmiye waan ka baxay, mana filayo inuu isaga yahay ninka yidhi ‘Dabbaakhiintaa badan’. Cabdicasiis Samaale waxaan leenahay waa xisbiga Kulmiye, Kulmiyena waligii wuu is-qabtaa, marka dambena sida uu noqdana waad taqaanaan,” Sidaas ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta oo la su’aalay sida ay xukuumad ahaan u arkaan is-casilaadda Wasiirkii hore ee Wershadaha iyo dhaliilo uu xukuumadda u jeediyey, waxa uu ku jawaabay, “Abiib Diiriye isaga waxba odhan maayo. Xukuumaddu hal masuul bay leedahay, waana madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Maalintii uu isaga magacaabay, haddii uu u yaqaanay Kuug kaliya, markuu maanta ka tagayna waa Kuuggii uun,” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta oo sidoo kale ah Afhayeenka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u muuqda mid ka tarjumaya Miisaanka ay labada wasiir ee is-casilay ku lahaayeen Xukuumadda iyo sida ay Madaxtooyadu u danaynayso sidii loo heshiisiin lahaa Cabdicasiis Samaale.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories