HomeXukuumadda Siilaanyo oo Gogaankii Golaha Wakiiladu uu Ku Laalay Kiraynta Haamaha Shidaalka...

Xukuumadda Siilaanyo oo Gogaankii Golaha Wakiiladu uu Ku Laalay Kiraynta Haamaha Shidaalka Sharcidaro Ku Tilmaamay, Sheegayna Inay Kiraynayaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

download (4)

 

Hargeysa(SLpost)-Masuuliyiinta wasraada ganacsiga iyo maareeyaha haamaha shidaalka oo wada jir shir jaraa’id u qabtay ayaa beeniyay in warbixintii golaha laga hor akhriyay ay iyagu bixiyeen, waxa ay ku tilmaameen xildhibaanada in ay wax sharciga baalmarsan ay keeneen, isla maraasna ay kiraynii haamaha shidaalka sii wadi doonaan.

wasiirka wasaarada ganacsiga Muuse Qaasim Cumar oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay waxanuu yidhi “Waanu isla soo qaadnay in la kireeyo heshiiskiina waanuwadnay baarlamankuna waa ay noo yedheen waanuna u sheegnay in shirkadii awlba ku shaqaysan jiray ee ay haamuhu ka kiraysnanjireen inaan ka kiraynayno ayaanu u sheegnay, waxay na waydiiyeen miyay dhamaatay, waanuna u sheegnay inay socoto, ilaa hadana hawshii sidii ayaanu u wadnaa, wali wax heshiis ahna umaanu gudhin, markaanu dhamaynona waanu u gudbin doonaa.”

56cf3eba0d6f8b5039a0b62324be10d7_L

maareeyaha haamaha shidaalka Saleebaan Siciid Cali ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka yidhi“Waxa uu sheegay inaanay guddida siin xog sheegaysa in Haamaha kaydka shidaalka sanadkii laga helo lacag ku dhaw 24 Milyan oo dollar “Markii guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Waxa uu intaasi raaciyay Maareeyuhu “ Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin. Waxaan leeyahay warbixintaa golaha laga akhriyay anagu maanu gudbin, muddada aanu anagu kulanayna Buuqan iyo fawdadani may taagnayn oo bishii 5-aad ee sanadkan ayaanu kulanay, markaa xilli la nabad qabo ayaanu kulanay, warbixin fiicana way naga bixiyeen warbixin wanaagsana waanu kala qaadanay, kan maanta ee naloo sibir saaray aad buu noogu cuslaaday” ayuu yidhi Saleebaan.

image17

wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir ayaa isaguna dhankiisa luuqad adag kula hadlay xildhibaanada golaha wakiilada “La garan maayo waxay golaha wakiiladu ay laaleen xaqna uma laha inay ka hadlaan ama ay yidhaahdaan qaraar ayaanu ka soo saaraynaa heshii aanay u soo gudbin xukuumadda jamhuuriyada Somaliland iyaga oo ku shaqaynaaya warar kutirikuteen ah oo ay suuqa ka urursadeen, talaabadan ay maanta qaadeen waa mid khilaafsan shuruucda dalka iyo dastuurka Jamhuuriyada  Somaliland, talaabadan waxa ka danbeeya qaar ka mid ah asxaabta siyaasada kuma haboona in mashaariicda horumarinta qaranka lasku hortaago oo lagu carqaladeeyo dano siyaasadeed oo xiligoodu gaaban yahay, xukuumadda waxa ka go’an inau dadaal u gasho sidii bulshada loo horumarin lahaa.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories