HomeXukuumadda Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Hadal Ay Mucaaradku Ku Sheegeen...

Xukuumadda Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Hadal Ay Mucaaradku Ku Sheegeen Inay Shir Qaran Qabanayaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (Slpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  oo ku hadlayay Afka Xukuumadda ayaa ka hadlay mawqifka xukuumadda ee shirka ay Xisbiyada Mucaaridka ahi ku iclaamiyeen.

Mr. Cukuse oo dhinacyo badan ka istaagay baaqa Mucaaradka ayaa caddeeyey in marnaba aan Somaliland looga baqayn inay ku dhacdo xaalad dawlad la’aaneed, waxana isaga oo wasiirku arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan:

“Ujeedadii aanu u qabanay kulankan ama shir saxaafadeedkan, waxaana hadhsan inaanu ka jawaabno oo kaliya, hadal aynu maqlaynay shalay oo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo ragii kulanka ku wehelinayay ay ku dhawaaqeen inay qabanayaan shir, shirkaas magac bay u bixiyeen goortay qabanayaan ayay sheegeen, waxay ka hadlayaan ayay sheegeen habaarna wuuba la socday oo waxay yidhaahdeen dalka ayaanu uga baqaynaa inuu dawlad la’aan ku dhaco, ilaahay habaarkaasi uma aqbalo, dalkii Jamhuuriaydda Somaliland-ba la yidhaahdaa wuu jiraa dadkiisii ayaa jooga xuduudihiisii ayaa cayiman, dawladiisiiba taagan Baarlamannkii ayaa jira, umadiisi iyo ganacsatadiisi aya joogta, ciidamdiisii amnigam ayaa jooga, rukunadii uu ku dhisnaa oo dhan ayaa jooga, intaas iyo Madaxwaynihii ayaa jooga iyo xukuumaddi 27-ka bishana iyagaa ayaa joogaya 28-ka bishana isaga ayaa joogaya illaa inta sharcigu ogolyahay” ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed daahir (Cukuse).

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu sharraxay halka ay xukuumaddu ka taagan tahay Heshiiskii dhex maray Xisbiyada iyo Xukuumadda waxaana uu sheegay inaan Xukuumaddu marnaba aanay ka bixin heshiiskaas sida Mucaaridku ku celceliyaan “waxaan doonaya markaa inaan ka hadalo waa maxay nimankani hadlay  (Mucaaridka) iyo waxay doodu ka taagan tahay, annagu maanaan fahmin, hadiise ay labo arrimood tahay: midi waa muddo kordhintii ay golaha Guurtidu kordhiyeen markii ay ku qanceen inaanay doorashadu ku qabsoomayn xilligii la filayay ama loogu talo galay, midna waa cayimaadda xilliga la qabanayo doorashada ee ay ku heshiyeen Xisbiyadu iyo Xukuumaddu, qodobaka koowaad waxa uu ahaa(Heshiiska Xisbiyada Iyo Xukuumadda) haddii aanu nahay Xukuumadda iyo Xisbiyada waxaanu ixtiraamaynaa Muddo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtidu ee ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Wakiilada, qodobka koowaad ee heshiiskaas ayuu ahaa waanu fulinay iyaguna inay fuliyaan yay ahayd oo inay xalay ka daba yimaadaan may ahayn oo ay yidhaahdaan 27-ka bisha ayay Madaxwaynaha kaga dhantahay (Taladu)”.

Wasiirka Warfaafinta Wacyigalinta hidaha iyo dhaqanka Somaliland oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi.

“Qodobka labaad  waxa weeye Xukuumaddu heshiiskii miyay ka baxday mise kamay bixin?. Jawaabtu waxay tahay Xukuumaddu heshiiskii ay la gashay Xisbiyada kamay bixin, laakiin waxay u daydayeysaa qiilkii uu ka sharci garoobi lahaa, waxay u daydayaysaa dariiqii lagu waafajin lahaa inuu sharci noqdo, waxaanay ay ku xidhantay hay’adda xaqqa u leh muddo kordhinta haddii doorashadu ku qabsoomi waydo maalinta loogu talo galay, Komishanka doorashooyinkuna waxa uu xaq u leeyahay in mudadaas maalinta ay suurto gal tahay ee uu doorasho ku qaban karo uu cayimo, Madaxwaynuhna wuu aqblay oo wuu ansixiyey, Guurtiduna maalinbay cayimtay maalinta bil ka hor ayaana uu sharcigu yahay in doorasho la qabto “.

Ugu Dambayn Wasiir Cukuse waxa uu si faahfaahsan u ubayaamiyey mudada ay xisbiyada Mucaaridka ahi la takaro dhabanayaan oo sida uu sheegay ah inta geelo biyaha ka sooman yahay isla markaana aanay ahayn wax qaranka loo baqdin galiyo “Heshiiska xukuumadda iyo xisbiyada iyo wakhtiga ay guurtidu tidhi hala qabto oo midna badhtamaha December midna uu ku beegmayo bisha saddexaad ee sannadka, intee ayaa u dhaxaysa , waa inta geelu biyaha ka qado waa 90 cisho oo kaliya biyuhu waa nolosha hashaa ayaa 90-kaas cisho biyaha ka qada, inta hali biyaha ka adkyaysato ninka ka adkaysan kari waayey ee waliba aanu diyaarka ula nahay ee aanu leenahay waar aadyra kaalayo heshiiski ayaanu kula ogolahay oo gurtida ayuu inagaga xidhan yahay waynu u samraynaaye guurtiduna waa odyaasheenii oo waxba inaga diidimyaane, aynu si nabad ah oo la isla ogolyahay sagaashankan cisho iskaga afgarano, markaa waxa weeye waar inta hali biyaha ka oonto dalkani rabshad u gali maayo, oo hashaas kama liidano, waxaynu leenahay caqligii waxaynu leenahay dawladnimadii oo kaamil ah, dawladnimadeena kaamilka ah ee wakhtiga badan inagu joogta ee tacabka badan inagu joogta ee dad-na u hoydeen kuwa nabadeedi ku dhisayay iyo kuwo colaadeedi ka soo qaybgalayba ciyaar ku lumimayso, dookh qof leeyahayna  ku lumimayso, talo qaran marka la leeyahayna, cibaa loo igmaday waa dawladda waxaana hogaaminaya Madaxwaynaha, ilaahaybaan idinku dhaaryeyey bal kawarama nin ka yidhi waxaan qabanayaa shir qaran oo Madaxwaynihii ka maqan yahay oo ay xukuumaddi ka maqantahay oo wakiiladu ka maqanyahay oo ay guurtidii ka maqan tahay shiraaksi halka uu qaranka ku noqonayaa waa halkee?” ayuu hadalkiisa ku xidhay Wasiir Cukuse.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories