HomeXukuumadda oo Xabsiga dhigtay Siyaasiyiin ka tirsan Madasha Wada-tashiga oo dhaliilay Majaraha...

Xukuumadda oo Xabsiga dhigtay Siyaasiyiin ka tirsan Madasha Wada-tashiga oo dhaliilay Majaraha hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

02Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ka talisa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Silaanyo, ayaa gelinkii dame ee maanta Xabsiga dhigtay Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed oo ka tirsan Siyaasiyiinta xubnaha ka ah Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, waxaanu xadhiggiisu ka mid yahay cabbudhinta iyo tacaddiyada ay Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo Saxaafadda Xorta ah ee dalka.

Ma jiro War Rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay sababta ay u xidhay Siyaasiga Iid Jiciir Aw Axmed iyo dembiga uu galay ee lagu xidhay toona, hase-yeeshee, Warar uu Aftahannews ka helay xadhiggiisa ay iftiiminayaan in lagu xidhay Qormooyin uu toddobaadyadii u dameeyey Warbaahinta ku faafiyey oo uu ku muujiyey Musuqmaasuq iyo dillaalnimada Xukuumadda Siilaanyo caadaysatay oo ahaa xogo rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka gubatay ka hadalkooda.

Iid Jiciir ayaa ilaa gelinkii dambe ku xidhnaa Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa,lamana garnayo ilaa haddda sababta rasmiga ah ee ay xukuumaddu xabsiga u dhigtay mujaahid Iid Jiciir .

“Waxaa noo suurtagashay in aanu wax ka ogaano sababta loo soo xidhay iyo cidda soo xidhay waxaanu noo xaqiijiyay in ay soo xidheen ciidamada Militarigu isla markaana ay si toos ah ugu soo xidheen saldhigga dhexe ee uu haatan ku xidhanyahay,”sidaasi waxa sheegay mid ka mida qoyska Iid oo warbaahinta qoraal soo gaadhsiiyay.

Dadka qaar ayaa xadhiga Iiid la xidhiidhinaya mid looga jawaabayo dhaliilo uu dhawaanahan u jeedinayay xukuumadda oo dhinacyo badan khuseeya, hase ahaatee wali ma cadda sababta rasmiga ah ee xadhiga masuulkan sababtay.

Saraakiisha dawladda oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino xadhigiisa ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, gaar kuwa ay khusayso arrintani ee daakhiliga.

Waxa uu noqonayaa xubintii ugu horaysay ee ka tirsan dalada siyaasaddeed ee MADASHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA la baxday, taasoo ay ku bahoobeen dad miisaan ku leh saaxada siyaasadda. Waxaanu sidoo kale ka mid ahaa Ururkii Xaqsoor ee doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ka qayb galay.

Sidoo kale, Ciidammada Booliska magaalada Hargeysa, ayaa isagana maanta xidhay Siyaasi kale oo lagu magacaabo Axmed-like, kaasoo Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa laga qabtay xilli ay socotay Dacwadda Wasiir Ku-xigeenkii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdillaaih Abbokor Cismaan oo ka mid ah Xubnaha arrimaha Siyaasadeed ugu xidhnaa Xukuumadda Siilaanyo oo caadaysatay Cabbudhinta Saxaafadda, Siyaasiyiinta iyo Muwaaddiniinta Fikirkooda Cabbira.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories