HomeXukuumadda Oo Warbaahinta Ku Bogaadisay Doorkii ay ka qaateen Xuskii 22-guurada...

Xukuumadda Oo Warbaahinta Ku Bogaadisay Doorkii ay ka qaateen Xuskii 22-guurada Maalinta Qaranimada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

agaasimaha guud ee WarfaafintaHargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C/Rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa saxaafadda dalka iyo ta caalamiga ahba ku bogaadiyay sidii ay u weyneeyeen munaasibadii 22-guurada ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland.

Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray oo u dhignaa sidan: “Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay dhammaan bahda Saxaafadda Maxaliga  uga mahad celinaysaa kaalintii Tognayd  iyo Hanaankii Hufnaa  ee ay u tabisay Munaasibadii  22 guuraddii  ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May oo shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay u damaashaadayeen maalmihii la soo dhaafay.

Wasaaradda Warfaafintu waxay ku bogaadinaysaa  warbaahinta dalka qeybaheeda kala duwan sida Idaacada, Telefishanada SLNTV, Horn Cable TV,Somaliland Space Chanal, Bulsho TV, Wargeysyadda iyo Mareegaha Internet-ka sida  xilkasnimada ah ee ay u weyneeyeen munaasibadihii 22 Guurada ka soo wareegtay Madax-banaanida Somaliland, waxaanay qaateen doorkii iyo kaalintii laga filayay ee waddanimo iyo dal jacayl dhab ah.

Sidaas si la mid ah waxaanu ammaanaynaa sida Warbaahinta caalamiga ahi ay uga qeyb qaadatay munaasibaddii 18-ka May. Waxa si weyn quluubta qaranka Somaliland soo jiitay warbixinihii Telefishanka caalamiga ah ee AL-JAZIIRA sii daayay  oo  uu si qoto-dheer ugaga taariikheeyay munaasibadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay.

Waxa kale oo iyana aan u mahad celinayaa  Telefishanadda UNIVERSAL toos u baahinayay xafladihii lagu xusayay 22-guurada madax-banaanida Somaliland iyo Somali Chanal oo barnaamij dheer oo qiimo leh ka sameeyay munaasibadan. waxaanay si mug leh caalamka ugu bandhigeen jawigii ay u dhaceen xafladihii dabaal-dega qaranka Somaliland.

Waxaanu wasaarad ahaan shacbiga iyo qaranka Somaliland sanadkan sanadkiisa kale ILAAHAY  ka baryaynaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo iyo barwaaqo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories