HomeXukuumadda oo u mahad-celisay Ganacsade Agabka ka-hortagga Covid-19 ugu deeqay Somaliland, baaqna...

Xukuumadda oo u mahad-celisay Ganacsade Agabka ka-hortagga Covid-19 ugu deeqay Somaliland, baaqna u jeedisay ganacsadaha dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa Mahadnaq balaadhan u diray Ganacsade Axmed Ismaaciil Ibraahin oo Xukuumadda soo gaadhsiiyey Hal Milyan iyo Afar Boqol oo Kun oo Agabka ka hortaga Xannuunka Covid19 gaar ahaan kuwa loo adeegsado in afka iyo Sanka lagu xidho.

blankQoraal uu ku Saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta, waxa uu u mahad-naqay Mulkiilaha Shirkadda xawilaadda Casriga ah ee Lacagaha ee WorldRemit Dr Ismaaciil Axmed oo Somaliland ugu deeqay Agabkan oo lagu Qiimeeyey lacag Gaadhaysa 1 Milyan oo Dollar.

Qoraalka Wasiirka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, waxa uu ku yidhi, “Anniga oo ku hadlaya afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan si aad iyo aad ah uga mahad-celinaynaa ganacsade Axmed Ismaaciil Ibraahim oo ah Somalilander si dhab ah u muujiyey dareenkiisa wadanimo, isagoo gartay in uu gurmad agab caafimaad ah ugu deeqo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah mid wax ka taraya ka hortaga COVID19.

Ganacsade Axmed Ismaaciil, waxa uu soo gaadhsiiyey xukuumadda HAL MILYAN IYO AFAR BOQOL OO KUN. Oo ah agabka ka hortaga COVID19 ee afka iyo sanka lagu xidho ee Mask protection.

Waxa kale oo aan ku amaanayaa Axmed is Xilqaankiisa wadanimo iyo garashadiisa fayoow ee uu ku gartay baahida dadkiisa iyo dalkiisa u qabaan agabkan caafimaad xiligan oo dunidu ku jihaysan tahay la dagaalanka cudurka COVID19.”

Waxa uu wasiir Koore war-saxaafadeedkiisa ku sheegay, “Runtii caalamka oo dhan waxa ay ku jiraan dagaalka COVID19, geesiguna maaha ka xabada oo kaliya ku dagaalama, balse kan xaaladda aynu hada ku jirnaa waa dagaal, waxana kooxaha caafimaadka ee u adeega dadka uu soo ritay cudurkan loo aqoonsaday geesiyaal, sidaa darteed waxaynu Axmed u aqoonsanay geesi usoo gurmaday dadkiisa xili loo baahnaa.”

Ugu dambayntii, waxa uu Wasiir Koore baaq u diray Ganacsatada dalka oo uu faray inay tallaabadan oo Kale qaadan. ”Ganacsatada waaweyn iyo muwaadiniintaba dalkaba waxa looga baahan yahay in ay ku daydaan Geesiga Axmed Ismaaciil oo ay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro cudurkan aafeeyey dunida oo dalkeenana hadda laga helay raadadkii u horreeyey ee COVID19″. Sidaas ayuu wasiirku ku yidhi Qoraalka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories