HomeXukuumadda oo Todobaad ka dib Ka hadashay Dilkii labada Sarkaal loo geystay,...

Xukuumadda oo Todobaad ka dib Ka hadashay Dilkii labada Sarkaal loo geystay, Shacabkana ugu baaqday in Qabyaalladda iyo Siyaasadda laga ilaaliyo Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xukuumadda oo Todobaad ka dib Ka hadashay Dilkii labada Sarkaal loo geystay, Shacabkana ugu baaqday in Qabyaalladda iyo Siyaasadda laga ilaaliyo Ciidanka QarankaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay Shirqool dhawaan Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Milatariga Somaliland, kuwaas oo lagu dilay magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo maanta warbaabinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in ciidanka Ammaanka Somaliland oo kaashanaya waddamada Jaarka ah ay ku daba-jiraan soo-qabashada gacan-ku-dhiiglaha, waxaanu shacabka ugu baaqay in caadifadda qabyaaladda laga ilaaliyo Ciidanka Qaranka Somaliland isla markaana loo daayo shuruucda iyo qawaaniinta milatariga u yaala.

Wasiir Gaashaan-dhigga oo noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee muddo todobaad ah ka dib ka hadla ka Dilka saraakiisha oo dhacay Maalintii Arbaca ee todobaadkii hore oo taariikhdu ahayd 17-kii bishan, ayaa hadalkiisu ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii magaalada Gabiley uu ka dhacay Bannaan-bax ballaadhan oo shacabka magaaladaasi ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilka loo geystay mid ka mid ah saraakiisha oo deegaankaas ka soo jeeda iyo hadal la’aanta Xukuumadda.

Sidoo kale, hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay ka dib markii shalay iyo dorraad ay Axsaabta Siyaasadda iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashigu xukuumadda ku dhaliileen dilka loo geystay saraakiisha iyo dhagax-qabihii fuliyey oo aan gacanta lagu hayn.

Waxa kale oo madaxweynaha iyo  xukuumaddiisa lagu dhaliilay inaanay tacsi u dirin Saraakiisha Ciidanka Qaranka ka Geeriyootay iyo sababta loogu qaban waayey Aas Qaran maadaama ay yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Laba Sarkaal ee la dilay ayaa kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada oo maqnaa wakhtigaas, Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisa ahayd Kabtan, halka Marxuumka labaadna uu ahaa Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo derejadiisu ahayd Kabtan. Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ka tirsan Qaybta 31aad ee Milatariga Somaliland.

Labada Sarkaal ayaa wakhtiga dilka loo geystay ku sugnaa Saldhigga Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo ku taala duleedka magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle. Labada Sarkaal ee la dilay, ayaa deegaan ahaan u dhashay gobollada Gabiley iyo Awdal.

Dhagar-qabaha dilka geystay oo lagu magacaabo Cabdiraaq Askar isla markaana u dhashay deegaanka Qorulugud, ayaa markii uu dilka geystay isla markii uu dilka geystay ka baxsaday goobta, ilaa imikana gacanta laguma dhigin, wallow ay ciidamada ammaanka ku dabo-jiraan soo-qabashadiisa.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories