HomeXukuumadda oo sheegtay inay wakhtigooda ku qabanayso Doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada

Xukuumadda oo sheegtay inay wakhtigooda ku qabanayso Doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saartay in furista Ururadu caqabad ku noqon karto qabsoomidda Doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan dhammaadka Sannadkan.

blankXukuumaddu waxa ay sheegtay inay wakhtigooda ku qabsoomayaan doorashada madaxtooyada iyo Doorashada lagu kala saarayo Ururrada Siyaasadda oo la furay.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay furista ururrada siyaasaddu uga dan leedahay dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada madaxtooyada, iyadoo wakhtiga muddo-xileedka Xisbiyaduna ku egtahay bisha December ee sannadkan.

Sida uu dhigayo Xeer Doorashada ee xeer Lr14, furista ururrada siyaasadda oo tobankii sanno-ba hal mar ah, ayaa ku beegan lix bilood ka hor wakhtiga uu dhacayo muddo-xileedka xisbiyada Qaranka, taas oo ku beegan bisha Lixaad ee sannadkan.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in doorasho kasta wakhtigeeda lagu qabanayo, isla markaana aanay waxba ka jirin eedaynta. xisbiyada mucaaradka.

”Madaxweynahaha Somaliland iyo xukuumadiisu waxay caddaynayaan in ay diyaar u yihiin in ay doorashooyinkii qabtaan, waxa la qabanayaa doorashadii urrurada siyaasada, waxa la qabanayaa doorashadii madaxtooyada, xukuumadda aan ka tirsanahay diyaar bay u tahay in ay doorashooyinka Qaranka mid walba wakhtigeeda ku qabato,” sidaas waxa yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo u warramy laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey in xukuumaddu faro-gelin ku samaysay Guddiga Doorashooyinka, waxa uu sheegay in kala-qab iyo qaybsanaani ku timi guddiga Doorashooyinka, sidaas awgeed uu madaxweynuhu ka gutay waajibaad sharci.

“Madaxweynaha Somaliland ma faragalin koomiishanka ee iyaga ayay ka dhex dilaacday in ay laba kooxood noqdaan oo wada shaqayn waayay oo madaxweynaha waraaq usoo qoray, sidaa darteed sharcigu wuxuu madaxweynaha siinayaa in uu u magacaabo koomiishan madaxbannaan,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku

Madaxweynaha Somaliland, ayaa guddi baadhis ah u saaray Guddiga Doorashooyinka, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Guddiga oo isla markiiba doortay guddoomiye Cusub. Guddoomiyaha hore ayaa intii aan xilka laga qaadin madaxweynaha ka codsatay inuu guddi baadhis ah u soo magacaabo kaddib markii uu sheegay inay jiraan musuq-maasuq iyo kala qaybsanaan guddiga gudaheeda ka jirta.

Guddoomiyaha Cusub ee loo doortay komishanka, Marwo Kaltuun Sh Xasan, ayaa ku gacan-saydhay guddiga madaxweynuhu u magacaabay oo ay ku tilmaantay inay yihiin Guddi aan madax-bannaanayn.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories