HomeXukuumadda oo sheegtay in Caalamku Doorashooyinka soo socda ku kala saarayo Somaliland...

Xukuumadda oo sheegtay in Caalamku Doorashooyinka soo socda ku kala saarayo Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Dunida oo dhami isha ku hayso Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bisha 5-aad ee sannadkan.

Xukuumaddu waxay sheegtay in doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland ay ku soo beegmayaan xilli uu Qas siyaasadeed oo salka ku haya muran doorasho uu ka taagan Soomaaliya, sidaasi darteed Beesha Caalamku isbarbar-dhig ku samaynayso Somaliland iyo Soomaaliya, sidaasi darteed loo baahan yahay in doorashooyinka Somaliland noqdaan kuwo daah-furan oo si wanaagsan u qabsooma.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada iyo Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo Xalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Musharraxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Xisbiga Kulmiye uga sharraxan Gobollada bariga dalka, ayaa sheegay in Soomaaliya oo uu Somaliland si tartan uga dhexeeyaa ay hadda dhex dabaalanayaan khilaaf siyaasadeed oo culus, sidasi darteed Adduunku qiimayn doono Doorashada Somaliland ee soo socota.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta qoladii wax is bidi jirtay ee faanka badnayd ee Soomaaliya waa ogtihiin waxa ka taagan caasimaddoodii oo ah kursiga ka kac iyo car aan ka kaco, markaa doorasheedaana (Somaliland) ayaa la innagu qiimaynayaa oo waxa la eegayaa dimuqraadiyaddeena oo la barbar-dhigayo waxa Xamar ka dhacaya.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories