HomeXukuumadda oo shaacisay Xaddiga Lacageed ee kaga Baxay Doorashadii Deegaanka iyo saamaynta...

Xukuumadda oo shaacisay Xaddiga Lacageed ee kaga Baxay Doorashadii Deegaanka iyo saamaynta Dhaqaale ee ay Dalka ku Yeelatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii goleyaasha deegaanka ee sanadkii hore dalka qabsoontay ay bur-bur dhaqaale baaxad leh ku keentay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta u warramay warbaahinta afka Dawladda ku hadasha, ayaa saamaynta dhaqaale ee doorashadii deegaanku dalka kaga tagtay ku sababeeyey lacagtii baaxadda lahayd ee ka baxday murashaxiintii tartamaysay iyo Dawladda laftigeeda, taas oo uu sheegay in loo adeegsaday sifo khaldan.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlaya, ayaa yidhi, “Doorashadii dawladaha Hoose culays wayn oo dhaqaale oo loo baahan yahay in ay wasaaradda maaliyadu dadka u iftiimiso ayay dalka ku keentay, ka dib markii ay doorashadaasi dhacday waxaa dalkeena laga dareemayaa bur-bur dhaqaale oo aad u wayni in uu ku yimid, dad badanina ay sabool noqdeen, kuwaasi oo wixii yaraa ee ay haysteena dadkii ay qaraabada ahaayeen ee tartamayay siiyay. Musharixiintaa tartamayay qofka ugu yar ayay ku baxday lacag gaadhaysa kumaan kun Doolar, lacagtaasi waa lacag dadka iyo dalka Somaliland ka baxday, waana lacag inteeda badan si Khaldan loo isticmaalay oo Qaad iyo sigaar ayaa loo isticmaalay. Lacagtaasi inta ay jeebka dadka ka soo baxday ayay gashay wax aan muuqan,waxaan odhan karaa lacag aad iyo aad u badan oo maanta dalkeena ka muuqata oo malaayiin doolar gaadhaysa ayaa baxday.”

SamaaleWaxa kale oo uu wasiirku iftiimiyey xaddiga lacagta xukuumaddu ku kharash-garaysay doorashadii Goleyaasha deegaanka, isaga oo xusay in lacag dayn ahayd oo ay komishanka doorashooyinku galeen xukuumadu ay bixinaysay bilihii u danbeeyay , “Xagga xukuumadda lacag aad u adag ayaa gashay doorashadaa, waxaanu bixinay lacagtii uu komishanku doorashada ku maamulayay oo 3 milyan oo doolar gaadhaysay, waxa kale oo aanu bixinay lacagtii lagu qaadayay muraaqibiinta xisbiyada ee goobaha tegayay, lacag aad iyo aad u badan ayay xukuumada Somaliland ku bixisay arrintaa doorashada, iyo lacag dayn ahayd oo komishanka doorashada lagu yeeshay ayay dawladu bixinaysay bilihii u danbeeyay,” ayuu yidhi wasiir Samaale.

Wasiirka Maaliyada Somaliland waxa uu sheegay in lacagataas xaddigeedu badan yahay ee gashay doorashooyinka ay tahay mid ka maqan shacabka iyo xukuumadaba, waxaanu yidhi, “Guud ahaanba lacagta gashay doorashadii goleyaasha deegaanku waa lacag umada Somaliland ka baxday oo ka maqan, taasi oo dadkeena iyo suuqeedaba aad looga dareemayo faqri badan iyo dhibaato badana keentay, doorasho oo dhan ayaana arrintaa wadata, doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay dhamaantood culays dhaqaale oo aad u wayn ayay dadka iyo dalkaba ku keeneen.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories