HomeXukuumadda oo shaacisay Awaamiir hagar-daamooyin Xambaaarsan oo lagu soo rogay Warbaahinta Madaxa...

Xukuumadda oo shaacisay Awaamiir hagar-daamooyin Xambaaarsan oo lagu soo rogay Warbaahinta Madaxa bannaan iyo Ururka SOLJA oo si adag uga dhiidhiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

HARGEYSA (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shaaca ka qaadday qorshe ay ku hirgelinayo hadimooyink hagar-daamayn kara madax-bannaanida Saxaafadda  Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin cashuur lagu soo rogay, Liisamo Cusub iyo kaadhadh aqoonsi ay khasab tahay inay qaataan Xarumaha Warbaahineed iyo Suxufiyiinta ka hawl-gasha, kuwaas oo wasaaradda Warfaafintu bixin doonto.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Daahir Cukuse oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa wasaaradda Warfaafinta, waxa uu shaaciyey in saxaafadda lagu dhaqi doono xeer lagula xisaabtamo oo jidaynayo shuruudaha iyo waajibaadka looga baahan yahay Suxufiga iyo hay’adaha warbaabinta.

CUKUSE_SOLJA“Xeerar Saxaafadda khuseeya hal xeer baynu haynaa oo waa Xeer lambar 27.waa Xeerka Ururada Saxaafaddu inbadan ku qaylinayeen xeerkaas hanaloo daayo.Xeerkaas Saxaafadda ee Lam 27 ee Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Siilaanyo saxeexay, ee Labada gole baarlamaan ansixiyay,xeerkaas baanu maanta laga bilaabo idinku dhaqaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo Warbaahinta la hadlaya

Wasiir Cukuse waxa uu Sheegay inuu maanta laga bilaabo Ruqsada kala noqday Liis dhawr Bog ka kooban uu sheegay inay Yihiin Hay’addo warbaahineed oo Wargeysyo iyo Tv-ya ah balse aan mudo shaqayn qaarkoodna sidii Ruqsada shaqo loo siiyay aanay hawl galin. “Waxaanu bixinta Liisamada bilaabaynaa todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha guud, waa la isdiwaangalinayaa, waxaad buuxinaysaa Foom, haddii aad Website leedahay, haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbac iyo kuwan Boodhadhka Xaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay (Goobaha Wararka), waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sanadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Dhinaca kale, Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa dedafeeyey go’aamada wasiirku shaaciyey in lagu dhaqayo saxaafadda madaxa-bannaan oo ay ku tilmaameen mid meel-ka-dhac ku ah madax-bannaanida Saxaafadda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa ka hadlay xeerka Xukumaddu dhaqan galinayso, waxaanu yidhi, “Horta waanu soo dhaweynaynaa wasiir,imbadan baanu kuugu taag la’ayn Xeerka Saxaafadda ee lambar 27 Sanadkisuna ahaa 2004 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay, labada Gole baarlamaana Ansixiyay ee Madaxweyne Siilaanyo-na Wareegtada ka soo saaray 2012-kii ee wali ka qarsoon wasaaraddaha iyo meelaha wax la dhigo” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ganafka ku dhuftay Guddi abuuristeeda Xeerka Saxaafaddu jidaynayo oo Wasiir Cukuse sheegay inay todobaad gudihii ku samaynayaan, kuwaas oo kharashka ku baxaya hawl-galladooda ay xukuumaddu bixinayso, in kasta oo uu Wasiirku ku sheegay inay noqonayaan guddi madax-bannaan.

Maxamed-rashiid oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaan Wasiir kuu sheegayaa Guddida Anshaxa waxaa xaq u leh Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,qodobkiisa 5-aad baanu ku qoran yahay.waa guddi madaxbanaan,mid Dawlad u adeegana ma noqonayo mid ay dawladdi biilisana ma noqonayo.”

Waxa kale oo Xoghayaha SOLJA sheegay inay hay’adaha Warbaahintu leeyihiin Liisamo islamarkaana Cashuurta ay kala xaajoon karto oo kaliya Wasaaradda Maaliyadda iyo Xeer ilaalinta Qaranku.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan xukuumaddu shaacisay inay kula dhaqmayso saxaafadda Madaxa-bannaan, ayaa noqonaya markii u horeysay ee xukuumadda Somaliland shuruudo noocan horkeento warbaahinta oo markii horeba madax-bannaanideedu khatar ku jirtay, waxaanay soohdin aan laysku gudbin dhex-dhigaysaa warbaahinta dalka, kaas oo haddii uu hirgeliyo qoqobnaan iyo kala-qaybsanaan ka dhex-dhalin kara Bahda ku xoogsata Mihnadda saxaafadda oo Isku-duubnimadeedu kaalin mug leh ka soo qaadatay dhismaha Qaranka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories