HomeXukuumadda oo Qorsheynaysa Siyaasad ay Kaga Hawl-galayso Kala-Xadaynta Ganacsiga, Dheelli-tirka Xidhiidhka Ganacsiga...

Xukuumadda oo Qorsheynaysa Siyaasad ay Kaga Hawl-galayso Kala-Xadaynta Ganacsiga, Dheelli-tirka Xidhiidhka Ganacsiga dalalka Jaarka iyo Maal-gashiga Caalamiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii u horreysay si faahfaahsan u soo bandhigtay qorsheyaal siyaasadeed oo ay ku wejahayso qaabaynta Ganacsiga Somaliland la leedahay waddamada Jaarka ah iyo kala-xadaynta noocyada Ganacsi ee Gudaha Dalka, kuwaas oo shacbiga iyo ganacsatada dalku cabashooyin xooggan ka muujiyeen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta xilka wasaaradda Arrimaha Debedda ku-wareejinaya Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Waraysi Gaar ah kaga xog-warramay Qorsheyaashiisa siyaasadeed ee uu ku wejahayo caqabado uu ka garaabay oo Horyaalla wasaaradda Ganacsiga, kuwaas oo uu sheegay inay wakhtigan ku hawlan yihiin dib-u-qiimayn iyo daraasado ay xal ugu raadinayaan.

Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi

Dr Maxamed Cabdilaahi oo aanu ugu horreyn weydiinnay qorsheyaasha uga yaalla kala-xayn la’aanta Ganacsiga Dalka, waxa uu ku jawaabay, “Waxa ay tahay arrimaha muhiimadda koowaad iigu jira ee bartilmaameedka u ah siyaasadda ku wejahan xagga ganacsiga iyo maal-gashiga oo aan doonayo inaan ku hoggaamiyo wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah. Laakiin immika waxa ii socda daraasad, ka-fiirsasho iyo dib-u-qiimayn guud ahaan ganacsiga dalka iyo ka dibadda aan la leenahay oo aan imika ku samaynayo,” ayuu yidhi.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo aanu weydiinnay Qorsheyahaas uga yaalla xidhiidhka Ganacsi ee waddamada Jaarka ah iyo isu-dheellitirnaan la’aan noocyada Ganacsiga ee Somaliland la leedahay waddamadaas, waxa uu sheegay inay qorsheynayaan dejinta shuruuc iyo siyaasad horseed u noqda ganacsi si siman looga faa’idaysto.  “Waxyaabaha aan muhiimadda siinayo waxa ka mid ah xidhiidhka ganacsi ee aynu leenahay waddamada jaarka ah hadday Itoobiya tahay, hadday Jabuuti tahay inaanu qaabayno oo shuruuc uu ku dhisnaado, oo uu heshiisyo laysla oggol yahay ku dhisnaado, inuu ku dhisnaado wax wadaag geesaha ganacsigu dhexmarayo ay si isku mid ah uga faa’idaan ganacsiga iyo is-dhex-galka,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi, waxaanu intaas raaciyey, “Waxa ka mid ah waxyaabaha bartilmaameedka ii ah maal-gashiga caalamiga ah iyo shirkadaha doonaya inay dalkeena maal-gashadaan dhinacuu doono ha noqdo dhinacay xiisanaynayaan.”

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan ka hawl-galayaan sidii loo kala xadayn lahaa Ganacsiga dalka si loogu siinnaado kheyraadka iyo dhaqaalaha dalka, “Waxaanu ka hawl-galaynayaa kala xadaynta Ganacsiga ee dalka oo ka soo dhoofiya, ka soo dejiya iyo ka dukaamada leh ee iibinaya aanay qof kaliya wada-noqon ee la wadaago kheyraadkii dalka iyo fursadaha ganacsi iyo dhaqaale ee dalka ka jira,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi, “Iyo Arrinta kale oo ah Shuruuc dalkani leeyahay oo kala xadaynta maal-gashiga iyo dhaqaalaha lagu maamulo. Dhowrkaa arrimood ayaanu is leenahay way u baahan yihiin in wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga Caalamiga ah inaanu xoogga saarno.”

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa siyaasadda ay ku wejahayaan isu-dheellitirnaan la’aanta Ganacsiga Somaliland la leedahay waddamada jaarka, gaar ahaan dalka Itoobiya, waxa uu yidhi, “Arrintaas waxa lagaga hawl-galayaa in la helo heshiisyo iyo Ganacsiyo isu-dheelli-tiran oo labada dal iyo laba shacbiba ay dani ugu jirto.”

Waa markii horreysay ee Xukuumadda Somaliland si waafi ah ku soo bandhigto siyaasad lagu wejaho Qaabaynta Ganacsiga aan xadka lahayn ee dalka Gudihiisa iyo isu-dheelli tirnaan la’aanta badeecadaha ganacsi ee ay is-dhaafsadaan Somaliland waddamada Jiiraanka ahi, waxaanay noqonaysaa tallaabo shacbigu iyo ganacsatada dalkuba soo dhawaynayaan haddii xukuumaddu kaga dhabayso hirgelinteeda.

XIGASHO: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories