HomeXukuumadda oo Qorshaynaysa Xakamaynta Tartanka Furan ee Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka

Xukuumadda oo Qorshaynaysa Xakamaynta Tartanka Furan ee Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay tartanka iyo loolanka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxayna sheegtay in tartanku macaamiisha u fiican yahay, balse aanay raali ka ahayn tartan furan, isla-markaana ay xakamayn doonto, oo ay ka soo saari doonto shuruuc lagu xakamayo.

Xukuumaddu waxa kale oo ay sheegtay inay waddo qorshihii Shirkaduhu ku wada hadli lahaayeen oo Lambarrada ku wada xidhiidhi lahaayeen.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inay Xukuumad ahaan wadaan qorshihii ay Somaliland ku yeelan lahayd koodh u gaar ah, kuna horumarin lahayd

Tiknooliyaddeeda, waxaanu ugu horeyn  “Tartanka Shirkadaha Isgaadhsiintu macaamisha ayuu u fiican yahay, laakiin haddana tartanku wuxuu u baahan yahay inuu yeesho shuruuc lagu xakameeyo, tartanka furana mar walba wuxuu u baahan yahay in la xakameeyo, imikana shuruucdoodii baanu ka shaqeeynaynaa, si uu tartankaasi u noqon lahaa tartan sax ah oo shuruucdii lagu maamulayey ayaanu hadda gacanta ku haynaa..”

Mar uu ka hadlayey qorshe ay wadaan oo ku saabsan Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo qaabkii ay ku wada hadli lahaayeen ayaa yidhi “Hadda Shirkadaha Isgaadhsiintu ma wada hadlaan, sidii loo hirgelin lahaa in la wada hadlaana waa daruuri, wada-hadalkiina wuu noo socdaa, waxaana jira Caqabado, kuwaasi oo aanu intii badnayd xalinay”.

Mar uu ka hadlayey qorshaha Wasaaradda ee dhinaca Internetka iyo Tiknooliyadda  ayaa wuxuu yidhi “Hawsha koodhku hadda noomay dhamaystirmin, laakiin gacanta ayaanu ku haynaa oo waxaanu rabnaa inaynu yeelano Koodh inoo gaar ah, dal ahaan, inkasta oo Ictiraafka uu wax badan inagaga xidhan yahay oo dhinaca Tiknooliyad ah, haddana intii karaankeena ah waynu dedalaaynaa oo waxaynu rabnaa inaynu horumar ballaadhan ka gaadhno Tiknooliyadda oo aynu Caalamka tusno inaynu nahay dal wax badan qabsaday”, sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories