HomeXukuumadda oo Ogolaatay Wax-soo-saarka Wershadda Sharaabka UFRESH oo Hore loo Xayiray iyo...

Xukuumadda oo Ogolaatay Wax-soo-saarka Wershadda Sharaabka UFRESH oo Hore loo Xayiray iyo sababta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dib u furtay wershad farsamaysa Sharaabka iyo Cuntooyinka oo saddex bilood ka hor xayiraad la saaray, kaddib markii ay soo baxeen fadeexado la xidhiidha tayo-xumo xagga sharaabka ah iyo nadaafad-darro lagu arkay xarunta wershada iyo hawl-wadeennada ka hawl-gala.

Ufresh3

Wershadda oo magaceeda la yidhaahdo UFRESH oo farsamaysa soona saarta sharaabka isla markaana ay maal-gashadeen ganacsato ajaanib ah oo u dhalatay dalka Shiinaha, waxa saddex bilood ka hor xayiraad ku soo rogay hay’adda Dhowrista Tayada ee Somaliland kaddib markii ay soo baxday in alaabta loo adeegsado soo-saarista iyo samaynta sharaabka ay ka dhalanayo caafimaad-darro isla markaana waxyeello u geysanaya bulshda. Waxaanay taasi sababtay in hakad la galiyo gebi ahaanbana la joojiyo wax-soo-saarka wershada, waxaanay hay’adda Baadhista Tayada oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershada Somaliland ay shaybaadh dibadeed oo u direen alaabaha ay soo saaraan wershaddani, taas oo ay ka dhalatay inay ka soo baxdo natiijo meesha ka saartay shakigii markii hore laga qabay tayada curiyeyaasha loo adeegsado midabbada Sharaabka oo caafimaad-darro lagu tuhmay.

Ufresh6

Haddaba, saddex bilood kaddib markii uu soo baxay go’aankaas hore ee xukuumadda Somaliand, waxa si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay masuuliyiin ka socotay hay’adda Dhowrista Tayada iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, kuwaas oo shaaca ka qaaday in dib loo furay wershaddaas isla markaana xayiraadda laga qaaday wax-soo-saarkii Wershadda, kaddib markii sida ay sheegeen ay natiijo ka duwan go’aankii ay hore u gaadheen ka soo baxday shaybaadh dibadeed oo ay baadhis dheeraad ah ugu direen alaabta wershaddu soo saarto iyo Curiyeyaasha loo adeegsado midabbada kala duwan ee sharaabka.

Ufresh5

Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista tayada ee Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yusuf oo ay weheliyaan masuulyiin ka tirsan Wasaaradda Wershadaha ayaa kormeer ku tagay xarunta Wershada oo ay ka socoto Wax-soo-saarka sharaabka iyo cunnooyinka fud-fudud, waxaanu halkaas kaga xog-warramay doorka ay hay’ad ahaan qaabilsan yihiin iyo wax iska beddelay go’aankii ay xukuumad ahaan hore uga qaateen Wax-soo-saarka Wershaddan oo xilligan lagu soo kordhiyey qayb cusub oo ah shaybaadh lagu eegayo alaabooyinka ay soo saarto wershaddu.

Ufresh7

Kormeerka kaddib, waxa munaasibad kooban oo lagu shaacinayey dib-u-furitaanka Wershadda lagu qabtay Xarunta Wax-soo-saarka ee UFRESH, waxaana halkaas ka hadlay masuuliyiin ka kala tirsan Hay’adda Dhowrista Tayada, Wasaaradda Ganacsi iyo masuuliyiinta ugu sareysa Shirkadda iska leh Wershadda ee UFRESH.

Ufresh2

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Maxamed Siciid oo ka tirsan hay’adda Dhowrista Tayada, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa , “Shan bilood bay xidhnayd wershaddu, shantaas biloodba waxay ku jireen inay dib isku saxaan oo wax alaale wixii ka qaldanaa wanaajiyaan,” Sidaa waxa yidhi Maxamed Siciid oo ka tirsan hay’adda Dhowrista tayada, waxaanu hadalkiisa intaas ku daray digniid uu u jeediyey wershadaha kale ee dalka ku yaala iyo guud ahaan bulsho-weynta oo ugu baaqay inay hay’adda ku taageeraan hawsha ay qaranka u hayso.

 

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Fayo-dhowrka ee Wasaaradda Ganacsiga, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: “Waxaan aad u soo dhawaynayaa oo u mahad-celinayaa hay’adda dhowrista Tayada oo arrintan uga shaqeeyey si bani’aadamnimo iyo waddaniyadi ku jirto,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimuhu.

Ufresh4

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada Muuse Xasan Xaaji Yusuf oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababo uu u daliishaday inay qaataan go’aanka ay ku oggolaadeen dib-u-furista wershadda UFRESH.

 

“Waxaan doonayaa inaan is-dul taago waxyaabihii nagu kallifay inaan qaadanno go’aanka aanu dib ugu ogolaanay wershadda. Waaxda wershada ee Wasaaradda Ganacsigu waxay soo saareen waxyaabihii loo baahnaa in la saxo, annagana waxa na khuseeyey tayada alaabta ay soo saarayso wershaddu.

Ufresh8

Waxyaabihii aanu markii hore ku aragnay waxay ahaayeen waxyaabo waxyeello u geysanaya caafimaadka qofka, sidaa awgeed baanu alaabtii wershadda ka soo ururinay suuqa, wax-soo-saarkii wershaddana u hakinnay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo intaas ku daray in Shuruudaha ugu waaweyn ee ay ku xidheen wershadda tahay inay iyagu keensadaan Sheybaadh ay ku hubiyaan wax-soo-saarkooda ka hor inta aanay u gudbin baadhista Guddiga Tayada si ay iyaga laf-ahaantoodu u xaqiiqsadaan tayada Wax-soo-saarkooda.

 

Ugu dambayntii, waxa uu guddoomiyuhu uga mahad-celiyey masuuliyiinta Shirkadda UFRESH sida ay uga jawaabeen shuruudihii ay ku xidheen in wershaddu ka shaqayso dalka, taas oo uu sheegay inay sababtay inay hay’ad ahaan oggolaadaan dib-u-furista Wershadda.

 

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories