HomeXukuumadda Oo Muddaysay Wada-hadal Ay La Galayso Kooxda Khaatumo

Xukuumadda Oo Muddaysay Wada-hadal Ay La Galayso Kooxda Khaatumo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa sheegtay inay wada hadal iyo waan-waan toos ah ay la galayaan kooxda la magac baxday Khaatumo ee ka dhisan bariga Somaliland,  dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxda Khaatumo ay ka aqbashay wada hadalkii, kaasi oo bilaabmi doona marka laga baxo bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Waxa aan balan qaadaynaa marka iidda laga baxo inaan wada hadal la furno qoladan walaaleheen ee Khaatumo inaan la hadalno oo gogol u dhigno sidii hore madaxwaynu balan qaaday ,iyaguna way naga balan qaadeen oo diyaar ayay u yihii” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland oo ka  hadlayay magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa dadwaynaha Reer Laascaanood ku booriyay inay si wayn uga qayb galaan qaadashada kaadhka muwaadinka ee is diwaangalintiisu ka socoto magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolada Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maalin dhowayd tiro koobkii waxa lagu sheegay saddex boqol oo kun, waxaasina waa diwaangalintan aad ka cararaysaan, waxa aad iga balan qaadaan inaad diwaangalintaasi codaysaan”

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in wixii ka maqan gobolka Sool aanu ku iman karin qori ee nabad galyada la ilaaliyo isla markaan horumarka laga shaqeeyo.

“Saami qaybsigu qori ku iman maayo ,waxa uu ku imanayaa wada hadal iyo inagoo codkeena qaybsana,waxa aynu ku xisaabtamaynaa waa cod,nabad galyaduna waa mihiimn aynu kala baxno oo dadka qaar horumarka ha u gurmadaan”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories