HomeXukuumadda oo Mucaaradka ugu Baaqday inay Danta Qaranka ku Garab-joogsadaan Xilligan Xaasaasiga...

Xukuumadda oo Mucaaradka ugu Baaqday inay Danta Qaranka ku Garab-joogsadaan Xilligan Xaasaasiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mucaaradka Dalka ugu baaqday in loo midoobo danta Qaranka isla markaana aan wakhtigan looga baahneyn inay mucaaradnimadooda uga faa’ideeyaan dabinnada Cadowga maadaama oo wakhti xaasaasi ah lagu jiro.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu masuuliyiinta madaarka Berbera ugu wareejinayey Baabuur dawladda Ingiriisku ugu deeqday garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Maxamuud Xaashi
Maxamuud Xaashi

Wasiirka Duulistu waxa uu difaacay xasiloonida ka jirta Somaliland, isaga oo xusay inaanay jirin halis amni-darro oo dalka ku soo fool leh, “Nabad-gelyadeena wax hoos u dhac ahi kuma iman. Wax ay xukuumaddani halis u aragtana qarankan kumay iman. Taas macnaheedu ma aha inaynu is dhigano. Waynu is diyaarinaynaa, cadowgu wuu badan yahay, taxadar badan ayaynu samaynaynaa, heegan adag ayay ciidammadda qaranka oo dhami ku jiraan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaanu hadalkiisa intaas ku daray, “Masuuliyiinteena oo dhami waxaynu ka shaqaynaa inaynu adkayno nabad-gelyada iyo inaynu kalsoonni siinno beesha caalamka.”

Wasiirka Duulistu waxa uu mucaaradka u soo jeediyay inay noqdaan kuwo wax dhisa, “Mucaaridka qiimaha lihi waa ka dhaliila ee toosiya xukuumadda markay ku haboon tahay, waa ka taageera markay arrin guud ku soo korodho qaranka. Waa mucaaridad aan qaan-gaadh ahayn haddii aad aragto cid rifaysa dawladda iyadoo qaranku ku jiro xaalad xasaasi ah,” ayuu yidhi Md Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories