HomeXukuumadda oo markii u horeysay ka hadashay Kala-qaybsanaan Qorshaha Kireynta Dekedda Berbera...

Xukuumadda oo markii u horeysay ka hadashay Kala-qaybsanaan Qorshaha Kireynta Dekedda Berbera ka dhex-abuuray Golaha Wasiirrada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wefti Wasiirro ah oo dalka Imaaraadka ugu baxay Wada-xaajoodka ku dhexmari doona Shirkadda DP World 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii u horeysay ka hadashay waxa ka jira warar la xidhiidha qorshaha maalgelinta Dekedda Berbera oo saxaafadda qaarkeed lagu baahiyey, kuwaas oo lagu sheegay Wasiirro xukuumadda ka tirsan ku kala qaybsan yihiin Shirkado dhowr ah oo danaynaya maalgeshiga Dekedda Berbera .

weftiga2Laba Shirkadood oo lagu kala magacaabo Ballore iyo DP World oo laga kala leeyahay waddamada Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta, ayaa danaynaya maalgashi ay ku sameeyaan dekedda Berbera oo xukuumaddu madaxweyne Siilaanyo tiraba dhowr jeer wada-xaajood kala samaysay, waxaanu maalgeshigaasi haddii heshiis laga gaadho awood u siinaya shirkadda ku guulaysata inay la wareegto maamulka iyo gacan-ku-haynta dekedda Berbera.

Wararka lagu baahiyey saxaafadda dalka ee la xidhiidha khilaafka qorshahani ka dhex-dhaliyey xukuumadda, ayaa lagu sheegay in wasiirro xukuumadda ka tirsan oo xubno ka ah guddi madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray wada-xaajoodka shirkaduhu, ay kala taabacsan yihiin ama ka wadaan labada shirkaddood, iyadoo wararku sheegeen in wasiirro xukuumadda ka tirsan oo lagu tiriyo wadaaddo u janjeedha waddamada Carabta ay danaynayaan shirkadda DP World, halka wasiirro kalena ay wataan shirkadda Faransiiska ah ee Ballore.

Haddaba, waxa arrin ka hadlay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warfidiyeennada kula hadlayey Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo isaga wefti wasiirro ah ka kooban Guddiga wada-xaajoodka Maalgeshiga Dekedda Berbera, kuwaas oo maanta ugu amba-baxay magaalada Dubai wada-xaajood ay halkaas kula yeelan doonaan Shirkadda DP World oo codsatay in loo cusboonaysiiyo wada-xaajoodka maalgeshida dekedda Berbera oo ay hore ugu guul-darraysteen, kaddib markii ay laysku af-garan waayey wada-hadal magaalada Dubai ku dhexmaray wasiirro xukuumadda ka tirsan.

Ugu horey, Wasiirka Madaxtooyada oo sharraxayey ujeeddada socdaalkooda, waxa uu yidhi, “Waxaanu la kulmi doonaa shirkadda Dubia Ports, waxaanu ka wada-hadli doonnaa Dekedda Berbera iyo Arrinkeeda. Ma jiro warka odhanaya Berbera (Dekedda) waa la iibinayaa, Berberi wax la iibiyey maaha, wax la iibinayona maaha. Haddaynaan maalgelin ku samayn, Dekedihii jaararka oo dhami way ina dhaafeen oo way ka hadhaysaa.

Hadday maalgeliyaan (DP World) ama cidi inoo maalgeliso, waa kiro iyo macaamilo uun. Midda kale, qoladan aanu ku soconnno, ma jiro wax heshiis ah oo lala gaadhay. Faransiiska hore ayaa wada-hadal u socday, shirkado badan oo kalena way codsadeen in laga wada-hadlo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markii koowaad maaha ee DP World wada-hadalka horeba waa loogu heshiin waayey, immikana dalab labaad bay soo gudbiyeen oo haddii uu qanciyo dalabkeena waa  sax, haddii kale Suuq xor ahbaynu joognaa,” Sidaas ayuu yidhi Md Xirsi Cali Xasan.

weftigaWasiirku waxa uu beeniyey inuu jiro khilaaf ka dhashay maalgeshiga dekedda Berbera oo ka dhex-jira xukuumadda, waxaanu yidhi, “Warka meelahaas laga leeyahay ee ah in dowladdu ku kala qaybsan tahay Dekedda Berbera waa been, waxba kama jiraan. Waxaan idiin sheegayaa dowladduna waa mid, dekedduna waa mid, qarankaana leh, waxaana la shaqaynayaa danta qaranka, loogana dhigaa mid u shaqaysa dalka iyo dalalka kale ee Caalamka.”

Wasiirka Madaxtooyada waxa socdaalka ku wehelinaya, Wasiirka Howlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasim iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-Xoor oo dhammaantood ka tirsan Guddi Madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray inay shirkadaha kala-xaajoodaan maalgeshiga Dekedda Berbera.

Haseyeeshee, waxa weftiga ka maqan oo aan socdaalkooda ku wehelin wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo Xubin ka ah Guddiga Madaxweynuhu u xil-saaray Qorshaha Maalgashi ee Dekedda Berbera.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories