HomeXukuumadda oo Mar kale iftiimisay Mawqifka ay ka Qaadatay Shirka London

Xukuumadda oo Mar kale iftiimisay Mawqifka ay ka Qaadatay Shirka London

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa marka kale caddaysay mawqifkeeda ku wejehan shirka Bisha Shanaad ee Sannadkan Soomaalida loogu qabanayo magaalada London.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inaanay Somaliland ka qayb-gali doonin shirka Soomaliya loogu qabanyo magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiir Xirsi oo Arrimahaa ka hadlaya, waxa uu yidhi,  “Mawqifka Somaliland wuu cad yahay. Annagu shir Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno waayo annaga Somaliland ayaa nala yidhaahdaa. Haddii Somaliland Iyo Soomaaliya la wada hadal siinayo oo si siman loo wada hadal siinayo, waanu ka wada hadalaynaa oo darafkayaga ayaan u hadlaynaa Somaliland, madax-banaanidayada iyo dadkayaga iyo dalkayaga.”

Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay in aanu shirkaasi Somaliland wax shaqo ah ku lahayn, kana qeyb geli doonin, waxaanu yidhi, “Haddii ay tahay shir Soomaaliya loo qabanayo, sabab aanu u tagnaa ma jirto, Soomaaliya iyagaa Soomaaliya la yidhaahdaa oo marti qaadka loo sameeyay ee ha tagaan. Hadii sida la sheegayo uu Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayana dee sabab aanu u tagnaaba ma jirto.”

Wasiirka oo la weydiiyay waxa shirkani kaga duwan yahay kuwii hore ee ay ka qeyb galeen waxa uu yidhi, “Wuu ka duwanaa shirkii Dubai oo Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku wada hadlayay. Kii London umuurta dadka Soomaalida ah baa lagu xalilayay oo may ahayn wax gaar ah oo midnimada Soomaaliya loogu yeedhay oo dhaqaale loogu ururinayo oo hawshooda gaarka ah lagaga hadlayey. Maadaama oo aanu ahayn Dawlad madax banaan oo u diyaar ah inay mawqifkeeda beesha caalamka u caddayso waanu tagnay waxaana naloo casuumay annaga iyo dawladda Soomaaliya si siman xiligaasi,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa, “Haddii iyaga (Soomaaliya) loo qabtay shirkan ma xaasidayno, ma caayayno, mana maagayno, laakiin Annaga (Somaliland) wax na khuseeya ma aha.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories