HomeXukuumadda oo Kaalmo Ciyi Waa-ka-baryey ah gaadhsiisay Dadkii ku dhaawacmay Rabshadihii natiijada...

Xukuumadda oo Kaalmo Ciyi Waa-ka-baryey ah gaadhsiisay Dadkii ku dhaawacmay Rabshadihii natiijada codbixinta Hargeysa ka dhashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), Guddoomiye ku-xigeenka labad ee Golaha Wakiillada Cali iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska  Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa Cusbitaalka Edna ku booqday dadkii ku dhaawacmay rabshadihii todobaadkan ka dhacay Degmada Axmed Dhagax, waxaanay maamulka cusbitaalka ku wareejiyeen qaddar lacageed oo dhan 13 Milyan ShSL oo ay ugu talo-galeen daawooyinka bukaan-jiifka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warramay mowqifka ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay iska horimaadyadii khasaaraha ka sababay, ayaa booqashada ay ugu tageen bukaanka ku sheegay dareen ka tarjumaya sida ay uga xun yihiin dhibaatada dhacday. “waxaanu soo booqanay, aniga iyo guddoomiyaha saddexaad ee Golaha Wakiiladda iyo taliyaha ciidanka boolisku dadkii dhaawacu gaadhay oo ilaa sagaal qof ah.Runtii waxaanu muujinaynay in aanu ka xun nahay dhaawaca iyo dhibaatadda gaadhay labadda dhinac-ba haddii ay tahay ciidan wixii gaadhay iyo shacab wixii gaadhayba, labaduba waa dadkii aanu masuuliyada u haynay,” ayuu yidhi Wasiirka oo warbaahinta ugu warramay gudaha Cusbitaalka Edna, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Marka sida ay wax u dhaceen waanu ka xun nahay, waxayna muujinaysa dhibaato kasta iyo shaqaaqo kasta oo la kiciyaa inay tahay kuugu dhimay oo ka dhimay oo aanay cidna dan u ahayn, marka in aanu xannuunka la qaybsanno soo eegno ee daawooyinka wixii aanu ka bixin karayno aanu ka bixinno.”

duurWasiirka oo ka hadlaya kaalmada ay u fidiyeen bukaanka ciidamada amnigu dhaawacyada kala geddisan u geysteen, ayaa yidhi, “Wixii aanu kaalmo ugu talo-galay ee daawooyinka ahna waanu ku wareejinay, waanan soo booqanay oo waxaanu muujinaynay in aanu la waddaagno xannuunka iyo dhibaatadda dadkaa haystaa, waanan ka xun nahay oo runtii waa waxaanu ka digayno mustaqbalka inay inagu dhacdo.

Wasiirku waxa uu soo jeediyey shacabka inay ka taxaddaraan dhacdooyinka noocan oo kale ah, “Askarigu wuxuu ilaalinayaa sharcigga qofka masuulka ahna waa kaynu masuuliyada u haynay inay cid waliba ka taxadirto isku dhaca kan oo kale ahi aanu dib inoo soo marin, kan iyo kuwii ka horeeyeyna ay cashar inoo noqdaan.”

Jawaabka Xukuumaddu ka bixisay khasaarihii ka dhashay isku-dhacyadii dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo dhalinyaradii ka gadoodday natiijadii doorashada deegaanka, ayaa u muuqata mid wakhtigeedii ka daahday, iyada oo booqashada Xubnahan dawladda ka socday ku tageen cusbitaalka ay dhaawacyadu yaallaana ku soo beegmayso maalin ka dib markii madaxweyne Siilaanyo markii u horreysay todobaad ka dib markii ay rabshahaasi dhaceen, uu shacabka ka tacsiyeeyay dhibaatada ka dhalatay mudaharaadyadaas.

Cabdiwahaab Guuleed

Somalilandpost

Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories